Wasiirka Khaarajiga Oo Xaqiijiyay Inay Somaliland Sii Wadayso Wada Hadalka Ay Kula Jirto Somaliya

0
1115

Maxamed BiixiHargeysa,(HargeisaPress) — Wasiirka Wasaarada arrimaha dibada Somaliland Md:Maxamed Biixi Yoonis ayaa shaaca ka qaaday in ay siiwadayaan wadahadaladii u dhaxeeyey Somaliland iyo Somaliya ee uga socday dalka Turkiga.

Md:Maxamed Biixi Yoonis oo shalay dalka dib ugu soo laabtay kadib socdaal shaqo oo uu ku tagay dalka Itoobiya ayaa hadalkan ka sheegay shir-Jaraa’id oo  uu  ku qabtay garoonka diyaaradaha ee Cigaal Airport,waxaana uu carabka ku dhuftay in mar hadii ay dawlada Somaliya ay jabisay qaar kamida heshiisyadii hore ay ugu soo balameen aan macnaheedu ahayn in ay Xukuumada Somaliland ay ka baxayso gabi ahaanba wadahadaladii u socday dawlada Somaliya,waxaana uu tibaaxay in wadahadaladaasi ay Somaliland dan ugu jirto in dawlada Somaliya ay kula garnaqsato fagaare loo dhan yahay , waxii qaladaad ah ee ay sameeyaana kaga wada hadli doonaan wadahadalada danbe ee ay u balansan yihiin in ay ka qabsoomaan dalka Turiga.

“Dabcan waxaanu aamin sanahay hadii aanu nahay Dawlada in Masuuliyada Wadahadaladu ay dawlada Saaran tahay,waanan dhagaysanaa arrimaha ka yimaada ee Golayaasha,Shacbiga,Warbaahintaba iyo dadka shacabka ah ee reer Somaliland gabi ahaantoodba haseyeeshee waxaanu anagu aaminsanahay in Wadahadaladaasi dabcan khilaaf waa dhaci karaa,hawlaha aanu ku balanay laga yaabaa in aanay fulinin,laakiin macnaheedu maaha in Wadahadaladii la joojiyo,waxaanu doonaynaa in wadahadaladii la wado”Ayuu yidhi Md:Maxamed Biixi Yoonis.

Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Md:Maxamed Biixi Yoonis oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu intaasi ku daray in ay ka dawlad ahaan ay jecel yihiin in la sii balaadhiyo wada hadaladaasi oo ay ka soo qayb galaan dawlado kale waxaana uu yidhi:“waxaan waliba aanu jecel nahay in la sii balaadhiyo oo dad kalena ay ka soo qayb galaan oo labadayada Waddan oo siman oo walaalo ah ka wadahadlaya waxii hore loogu heshiiyo ee la fulin waayeyna aanu dadaalkeeda iyo shaqada aanu ka qabanaynaba aanu ka hawl galno,se macnaheedu maaha hadii aanu wax ku heshiinay oo ay ka baxeen in ay wadahadaladii ay halkaasi ku joogsadaan,wadahadaladu waa ay soconayaan arinkaana waanu kala hadlaynaa,walina si cad dhankooda umay soo bandhigin hase yeeshee,waxaanu qabnaa in wadahadaladu ay muhiim u yihiin Somaliland oo Caalamkuna indhex galo oo Turkiga iyo dawlado kaleba ay ka soo qayb galaan”.

Md:Maxamed Biixi Yoonis waxaa uu sida oo kale uu ka hadlay xuduudka u dhaxeeya Somaliland iyo Itoobiya ee ay dhawaan arrimo nabad galyo darro la xidhiidha ay u xidhay dawlada Itoobiya,waxaana uu carabka ku dhuftay in ay ku soo balameen raysal Wasaaraha dalka Itoobiya in uu si dhakhso ah uu ufuro Xuduudka u dhaxeeya labada dawladood.Isaga oo sida oo kalena markale tibaaxay in xidhitaanka Xuduudka ay Somaliland la leedahay Dawlada Itoobiya uu dan u yahay Somaliland.

“Amaanka iyo nabada aynu ku seexanaa waxa weeye wax ilaahay ina siiyey Wasiiradeena,Sirdoonkeena,Booliskeena iyo ceedamadeena qarankuna hawsha wayn ee ay ku heelan yihiina waa nabad,Wadano dhan ama mandaqado dhan oo maanta gubanaya ayaa ay Somaliland bad qabtaa,hadii  Xuduudkeena nabad galyo awgeed aanu u xidhno ama loo xidho oo aanu ka wada hadlayno dabcan danteena ayaa ku jirta,Waxaan naqaanaa in dawlada Somaliland laguna amanaa in nabad iyo Xasilooni ay aad iyo aad uga shaqayso oo ay 23-kaa sanadood 2008-dii mooyaane ay nabad ahayd inteeda kale,nabadaasina waa mid aanu aad iyo aad aanu u qadarino hadana ay Wasiirkeena Arrimaha Gudaha iyo sirdoonkeenuna ay aad uga shaqeeyaan,markaa waxaan qabnaa sida uu balanta ku qaaday Raysa Wasaaruhu oo dagdag baanu u furayna baa uu yidhi dee hawlaha sirdoonkana halkan lagagama hadli karo”.Ayuu yidhi Md:Maxamed Biixi Yoonis

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here