Agaasimaha Guud ee Wasaarada shaqogelinta iyo arrimaha bulshada oo daahfuray kulan lagu Gorfaynaayay xeerka shaqaalaha rayidka ah. + SAWIRRO

0
991

Hargeysa,(HargeisaPress) —Agaasimaha guud ee wasaarada shaqo gelinta iyo arimaha bulshada ayaa kulan la qaatay madaxda ururada shaqaalaha  rayidka ah ee somaliland iyo masuuliyiin ka socota wasaarada.

Kulankan oo ay soo qaban qaabisay wasaarada shaqo gelinta iyo arimaha bulshada somaliland ayaa ujeedadiisu ahayd dar dar gelinta wax ka badal iyo kaabis lagu samaynayo xeerka shaqaalaha rayidka ah ee somaliland xeer Lr 31/2004,kaas oo la doonayo in laga saaro caqabado lagala kulmay.

Agaasimaha guud ee wasaarada shaqo gelinta iyo arimaha bulshada somaliland Maxamed Cilmi Aadan(Ilkacase)  oo ka hadlay kulankan ayaa soo bandhigay waxyaabaha laga rabo xeerka shaqaalaha waxaanu yidhi “Xeerkani waa inuu noqdo mid tix gelinaya oo daryeelaya shaqaalaha kaas oo waafaqsan shuruucda kale ee dalka, si dadka loo shaqo geliyo waa in xeerarkii iyo nidaamkii lagu shaqaynayey iyo siyaasadii shaqo gelinta ee barnaamijka cusub ee nalagu doortay ah waa inaanu ka hawl galnaa, anagu waxaanu u taaganahay ilaalinta xuquuqda qofka shaqaalaha ah, waxa kale oo aanu u taaganahay xuquuqda qofka loo shaqeeyaha ah.”

Sidoo kale agaasime Ilkacase ayaa soo bandhigay go’aan uu dul dhigay shirkadaha gaarka loo leeyahay waxaanu yidhi “Haddii ay shirkaduhu isku dayaan inay qortaan shaqaale aanu ogayn hadhow wixii dhibaato ah ee ka dhaca anagu kuma jirno, markaa waa in aanu imtixaanka shaqalaaha qayb ka noqonaa, heshiiskiisa qayb ka noqonaa oo xeerka la raaco, imika waxaan rabaa inaan halkan uga sheego shirkadaha in maalmaha fasaxyada caadiga ah ee qaranku leeyahay ay shaqaaluhu shaqeeyaan taasina xaq maaha, waa in lacag loogu badalaa ama waa in la fasaxaa waayo xeerka shaqaalaha ayaa siiyey, qofkuna inta saacadood ee la leeyahay ha shaqeeyo wax ka badan ma shaqayn karo.”

 

Sidoo kale agaasime Ilkacase ayaa cadeeyey go’aan laga gaadhay shaqaalaha ajaanibka ah waxaanu yidhi “Qof kasta oo ajaanib ah oo wadanka  jooga oo aan naga haysan ruqsadii shaqada talaabo ayaanu ka qaadi doonaa, markaa inta hadhow la odhan lahaa waxbaa la sameeyey iyo hebel shirkadiisii ayaa loo tagay iyo reer hebel ayaa loo jeedaa iyo qofbaa loo jeedaa imika waa inay maqlaan go’aankaas.”

Sidoo kale waxa kulanka ka hadlay qaar ka mid ah xubnihii ka soo qayb galay kuwaas oo sheegay inay wasaarada shaqo gelinta dib ugu soo celin doonaan xeerka shaqaalaha marka ay soo darsaan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here