Wasiirka Khaarajiga Somaliland iyo Taliyaha Ciidanka Qaranka Oo Ethiopia U Tagay Xiisada Awdal

0
842

Hargeysa (HargeisaPress) – Wasiirka Arimaha dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis iyo Taliyaha Ciidanka Qaranka Sarreeye Gaas Ismaaciil Maxamed Shaqale, ayaa dalka Itoobiya u tagay sidii Ethiopia ay ugala hadli lahaayeen Suldaanka reer Somaliland siiba Gobolka Awdal oo dhawaan Maleeshiyo ku Urursaday Xadka Somaliland iyo Ethiopia kuna dhawaaqay hadalo Somaliland ka dhan ah.

Labadan Masuul oo Ethiopia iskaga dabatagay ayaan war laga soo saarin balse waxaa la filayaa inay Ethiopia kala hadlaan Xiisada dhanka amaanka ah ee ka taagan Xuduudka iyo sidii ay Ethiopia Somaliland gacan uga siin lahayd inaan halkaasi wax amaan daro ahi ka dhicin.

Suldaanka Reer Awdal Abiibakar Cilmi Wabar oo Jimcihii Muuqaal iska soo duubay ayaa sheegay inay ka soo horjeedaan Xukumadda Kulmiye. Waxa uu sheegay in mudo todobaad ka badan laga joogo markii uu dhawaaqa soo jeediyay ilaa haddana aanay jirin wax Ergo ah oo Xukumaddu u dirtay, isagoo sheegay in Ciidamo tiro badan Xukumaddu u dirtay kuwaasi oo dadka u sheegayay inay Suldaanka soo qabanayaan waa sida uu hadalka u dhigaye.

Somaliland iyo Ethiopia, ayaa lahaa xidhiidh dhanka amaanka ah, balse Arinta Suldaan Wabar ayaa muujinaysa inaanu fiicnayn Xidhiidhka labada dhinac maadaama uu mudo labada todobaad ah ku sugan yahay Suldaan Wabar iyo Maleeshiyo Uu Urursaday Xuduudka Ethiopia siiba gudaha Ethiopia.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here