Xarunta Xuquuqal Insaanka oo Walaac ka Muujisay Xaalada Wariye ku Xidhan Burco

0
635

Hargeysa, (HargeisaPress) —Xarunta Xuquuqal Insaanku waxaay canbaaraynaysaa xadhiga suxufi Axmed Muuse Sakaaro oo 25kii September 2016 lagu xidhay Magaaladda Burco. Waxaa lagu eedeeyey kicin isaga oo suxufiyiinta ugu baaqay insay is-difaacaan, sida uu Xarunta u sheegay Taliyaha Qaybta Booliiska Togdheer.

 

Axmed wuxuu dhowaan canbaareeyey hadal uu Wasiirka Madaxtooyadu ugu hanjabay in laga xoraynayo dalka wuxuu ugu yeedhay suxufiiyinta sida budhcadda u shaqaysa. Isaga oo u jawaabaya Wasiirka, Axmed wuxuu ugu baaqay suxufiyiinta inay feejignaadan oo is ilaaliyaan.

 

Lix suxufi oo kale ayaa dacwado ciqaab ahi kaga socdaan Maxkamadda Gobolka Hargeysa. Lixdaas suxufi oo kala ah Cabdirashiid Cabdiwahaab Ibraahim, gudoomiyaha wargeyska Foore, Maxamed Maxamuud Yuusuf, tafatiraha guud ee Foore, Calimahdi Jibriil Xasan, Bulsho TV, Cabdirashiid Nuur Wacays, gudoomiyaha wargeyska Hubsad, Siciid Khadar Cabdilaahi, tafatiraha guud ee Hubsad, iyo Muuse Faarax Jaambiir, gudoomiyaha wargeyska Ogaal.

 

Dastuurka Somaliland wuxuu sheegayaa in warbaahintu ay madaxbanaan tahay isaga oo mamnuucaya fal kasta oo lagu cabudhinayo. Dastuurka iyo Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqal Insaanku waxaay ilaaliyaan xorriyadda warbaahinta.

 

Xadhiga loo gaysanayo suxufiyiintu wuxuu xad gudub ku yahay dastuurka Somaliland iyo halbeegyada caalamiga ah. Hadalada dawladda ee ku saabsan saxaafaddu waa kuwo dhiillo leh. Xorriyadda warbaahintu maaha khatar islamarkaana maaha hadiyad. Waa xaq dastuurku damaanad qaaday.

 

Xaruntu waxaay ugu baaqaysaa dawladda Somaliland inay xorriyadiisa u soo celiso Axmed Muuse Sakaaro, ayna laasho dacwadaha ciqaabta ah ee ka dhanka ah suxufiyiinta.

 

 

Guleid Ahmed Jama

Gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka

Hargeysa Somaliland

Email: hrcsomaliland@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here