10-Ka Shaqsi Ee Isbooriga Noocyadiisa Kala Duwan Ugu Dakhliga Badan Adduunka Sanadkan 2019 Oo La Shaaciyey – Kaalintee Ka Soo Muuqdeen Messi Iyo CR7?

0
1556

HargeisaPress– Majaladda Forbes ee caanka ku ah arrimaha dhaqaalaha sidoo kale soo saarta daraasado iyo qiimeyn joogta ah ayaa si rasmi ah u shaacisay 10-ka ciyaaryahan ee isboortiga noocyadiisa kala duwan ugu dakhliga badan sanadkan 2019.

Waxaa qiimeyntan laga eegay lacagaha u soo xarooday ciyaartoyda sanadkan oo ay lagu saleeyey mushaarkooda, dakhliga waalida ah ee ay ka helaan xuquuqda baahinta iyo shirkadaha ay heshiisyada ganacsi kula jiraan oo ay wax u xayeysiiyaan.

Qiimeynta Forbes sanadkan 2019 si aan horay looga baran waxaa kaalimaha koowaad, labaad iyo saddexaad ka soo muuqday xiddigo kubadda cagta ah, iyadoo la xusuusto in sanadihii hore ay kaalimaha hore haysan jireen xiddigo ciyaaraha isbooriga noocyadiisa kale.

Kabtanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa markii ugu horreysay kaalinta koowaad ka soo galay xiddigaha ugu dakhliga badan isboortiga noocyadiisa kala duwan, waxaana Majaladda sida aadka loo tixgeliyo ee Forbes ay soo bandhigtay in xiddiga reer Argentina uu helay sanadkan 2019 adduun dhan 127 milyan oo dollar.

Messi ayaa la sheegay inuu 92 milyan oo dollar u helay msuhaar ahaan, halka 35 milyan oo dollar oo kale uu ka helay heshiisyada iidhehyada uu sameeyey.

Weeraryahanka kooxda kubadda cagta Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa kaalinta labaad ka soo muuqday qiimeyntan Forbes ee ciyaartoyda isboortiga noocyadiisa kala duwan ugu dakhlga badan sanadkan 2019, waxaana CR7 u soo xarooday 109 milyan oo dollar.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here