Ciyaartoyga Xulka Turkey oo si xushmad darro ah loola dhaqmay iyo Xukuumadda Ankara oo ka hadashay

0
1367

ISTANBUL —Dowladda Turkiga ayaa si kulul ugu cambaareysay dalka Iceland inuu “si xushmad darro ah” ula dhaqamyey cayaartoydeeda kubadda cagta markii ay tageen garoonka diyaaradaha Reykjavik.

Kooxda Turkish-ka ayaa habeenkii axadda dhowr saac lagu hayey qeybta baasaboorada lagu hubiyo ee garoonka, waxaana la marsiiyey baaritaan xooggan, sida ay sheegeen cayaartoyda.

Afhayeenka madaxweynaha Turkiga, Ibrahim Kalin ayaa qoraal carro leh soo dhigay twitter-ka, isaga oo Iceland si darran ugu dhalleeceeyey “xushmad darrada aan la aqbali karin” ee ay ku sameysay cayaartoyda Turkiga.

“Dowladdeena iyo shacabkeena waxay garab taagan yihiin xulka qaranka, waxayna jawaabta ugu wanaagsan ku bixin doonaan garoonka kubadda cagta” ayuu yidhi.

Agaasimaha warfaafinta ee madaxtooyada Turkiga, Fahrettin Altun ayaa sidoo kale sheegay in sida loola dhaqmay cayaartoyda aysan waafaqsaneyn diblomaasiyadda iyo habka ciyaar wanaaggaba.

Wasaaradda arrimaha dibedda Turkiga ayaa warqad diblomaasiyeed oo cabasho ah u dirtay Iceland, ayada oo marsiisay safaaradda Norway.

Geesta kale dawlada Iceland weli wax jawaab ah kama aysan bixin dhacdadan.

Turkiga iyo Iceland ayaa ku wada jira qeybta H ee is-reebka loogu soo baxayo koobka Qaramada Yurub ee 2020. Turkey oo cayaartii ugu dambeysay 2-0 kaga adkaaday France ayaa 9 dhibcood ku hoggaaminaya qeybta H.

Dhanka kale waxa laga badiyay xulka Turkiga 1-2 Iceland

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY