Saraakiil Ciidan Oo Ka Socday UK Oo Kulan La Yeeshay Taliska Ciidanka Xeebaha Somaliland

0
1838

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Saraakiil ka socday qaybta ciidamadda ee dawladda Ingiriiska oo maanta booqasho ku yimid Somaliland ayaa kulan la qaatay taliska ciidanka ilaaladda xeebaha Somaliland.

Weftigan ka socday UK oo ay ka mid ahaayeen la taliyaha daba-galka iyo qiimaynta bariga Afrika u qaabilsan ciidamadda dawladda UK ee magaaladda Nairobi, waxaa taliska ciidamadda ilaaladda Badda ku soo dhaweeyay taliyaha ciidanka xeebaha Somaliland Maxamed Faarax Xiirane.

Sida lagu sheegay war qoraal ah oo lagu baahiyay boga Facebook ee taliska ciidanka ilaaladda xeebaha Somaliland weftigan saraakiisha ka socday dawladda UK waxay kulamo la yeesheen hogaanka iyo saraakiisha ciidamadda ilaaladda xeebaha Somaliland.

Booqashadda weftigan ka socday dawladda Ingiriiska ayaa lagu bilaabay sidan,  “Waxaa maanta taliska guud ee ciidanka ilaalada xeebaha jamhuuriyadda  Somaliland nagu soo booqday wefti ka socda dawladda Ingiriiska, gaar ahaan Mr. Kate Viner, oo ah la taliyaha daba-galka iyo qiimaynta bariga Afrika u qaabilsan ciidamadda dawladda UK ee magaaladda Nairobi  (Regional Monitoring and Evaluation Adviser (CSSF, British High Commission, Nairobi.

Sidoo kale waxaa weftigaas ka mid ahaa Mr. Patrick Merienne, oo ah madaxa la taliyaha barnaamijka nabadda iyo amaanka ee safaaradda Ingiriiska ee Addis Ababa  (Head, Africa Peace & Security programme (CSSF) and DFID Conflict Advisor, British Embassy Addis Ababa) iyo Dan Haile (CSSF Africa, FCO London)”.

Sida  lagu sheegay warkaasi taliyaha ciidanka Badda Somaliland ayaa saraakiisha dawladda Ingiriiska ka socday warbixin ka siiyay xaaladda ciidamadda.

“Taliyaha ciidanka ilaalada xeebaha Somaliland Admiral   Maxamed Xuseen Faarax (Xiirane),  ku soo dhaweeyay xarunta taliska guud oo ciidanka warbixinta ka siiyay halka ay marayaan mashaariicda ay ka fuliyeen ciidanka ilaalada xeebaha.

Waxay warbixino ka siiyay qaar ka mida hogaanadda ciidanka ilaalada xeebaha sida xafiiska Zaadka  iyo isgaadhsiinta iyo xafiiska hawl galadda ciidanka (operation office)”.

Gebagabadii warkaasi waxaa lagu sheegay in weftigaasi ay u mahad celiyeen taliska ciidanka xeebaha Somaliland sida wanaagsan ee ay taliskoodda ugu soo dhaweeyeen.

“Ugu danbayntiina,  masuul u hadlay weftiga waxay u mahad naqeen taliyaha iyo saraakiishaba.  Waxaanay balan qaadeen inay sii libin-laabi doonaan hawlaha iskaashiga labadda wadan iyo horomarinta iyo tayaynta ciidanka ilaalada xeebaha Somaliland” ayaa lagu yidhi warka ka soo baxay ciidamadda Baddaha Somaliland.

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here