Xusuustii Mujaahid Maxamed C/laahi Guri-barwaaqo Iyo Waayihiisii Dhismaha Ciidamada Qaranka JSL  iyo Samaynta Astaamaha iyo Darajooyinka Ciidanka 1950—2008.W/Q:- Miyir Cali Xuseen  Qaybtii 3aad.

0
1061

Sida la wada ogsoon yahay ma jiro Aduunka Qaran  aan la  hayn Ciidamo difaaca soodimaha (Dhul  , Cir iyo Bad) isla markaana suga nabad gayladiisa (Gudaha iyo Dibada) iyaga oo u adeegaya xaquuqda aas aasiga ah ee muwaadiniinta ku dhaqan  sida Xaqa  Nolosha , Xaqa Xoriyada  , Xaqa Nabad galyada Xaqa Sinaanta

Dhismaha iyo Astaamaha Ciidamadu waxay  laf dhabar iyo Tilmaam u yihiin Arimahan:-

  1. Haybada Qaranka.
  2. Aqoonsiga Ciidamada
  3. Hab socodka shaqada
  4. Sugida iyo Nabad galyadadifaaca qaranka .

Iyada aynu ogsoonahay haddii aanay intaasi jirin  in ay  in dhaxalsiinayso burbur qaran ,  Eex ,  kala dambayn la,aan ,  Awood qof  kaliya gacanta ugu jirta , Maamul xumo , Cadaalad Daro , Rajo Xumo iyo waxyaabo badan  oo kale  oo halis ku ah  jirtaanka Qaranimaddeena.

Iyada  oo Nolosha dadka Soomaliland  kadib burburkii  dawlad Siyaad Barre gooni istaageenu uu ku xidhnaa  haddaba sida loo dajiyo haybada iyo jirtaanka Ciidamada Qalabka sidda ee JSL  oo ahayd in loo helo  Qaab dhismeedyada Ciidanka , iyo  dhismo hoosadyada Ciidamada  kuwaas oo ah seeska dhismahooda mustaqbalka dalkuna ku xidhan yahay  taas u baahnayd in loo helo Maamul (Management)  qorshaysan (Planning) iyo Hogaamin (leadership) iyada oo la hiigsanayo  ujeedooyin ka midha dhalin kara  jirtaanka Qaranimadeena.

Kadib  halgan dheer  oo  sameeyay nolosha dad badan  oo reer S/land  waxay ummada reer Somaliland la soo noqdeen xoriyadoodii iyo qaranimadoodu  waxa kaliya  ee  rajo u ahaana waxay ahayd in ay mar uu lugahooda ku  istaagaan. Taa oo ummada reer Somaliland ay gacmaha isku qabsadeen   Culimo , Siyaasi , Oday iyo Caruurba sidii  ay u noqon lahaayeen Qaran jira.

Dhisidii iyo wada tashigii  beelaha  wada daga Somaliland  waxay horseeday in ay noqdaan dalka jira  waxaana abuurmay  Astaamihii Qaran lahaa oo ay ugu muhiimsanayeen Ciidamadu  kuwaas oo  dhibada loogu taagay  si aan qoto dheernayn  duruufaha jira awgood, ayaa  waxa Marxuum  Max’ed C/laahi  Guri Barwaqo (fani)   isku hawlay sidii uu ugu qayb qaadan lahaa  qabtiisa isaga  oo ahaa sida ku muuqata qof muwadin ah oo aan jeclayn in uu la dhinto aqoontiisa iyo garaadkiisa ee uu dadkiisa ku dhiso  waxaanu tacab  badan galiyay  sidii loo heli lahaa  Astaamaha  Ciidamada  Qalabka sidda ,  Astamaha guud ee Ciidamada , Astaamaha  Ciidanka Qaranka iyo Astaamaha Ciidanka Lugta   loona heli lahaa Astaan u gaara  Ciidamada JSL  oo ay ummadaha kaga duwan yihiin , taasi kumuu koobnaan ee waxa uu dusha saartay in uu  sameeyo darjooyinka Ciidanka  oo ka midho uu dhaliyo  in uu mar uun la arko  Ciidan leh kala dambayn xushmad  iyo kala sarayn taas  oo maanta midhihii uu ka tagay keentay in  Ciidankeena lagu Abaal-mariyo   kana  S

saartay  is dhex yaacii iyo awoodihii meelaha kala gaarka ah kasoo baxaayey ,taas oo soona celisay  haybadii iyo haykalkii dawladnimo  oo aad arki kartaan maanta Ciidankeenu  in uu yahay Ciidan leh Astaamo iyo darajooyin , dhaxalkiisiina maanta ummadeena aayo iyo Anfac uu u noqday.

Caqliga iyo aqoonta Marxuum Max’ed C/laahi guri barwaqo waxay maanta meesha ka saartay  tirar  Aasaasi ah  oo  Ciidanka JSL u baahnaa  la,aantoodna burbur afka u saarayay ,  Ummadda reer Somaliland u horseedayay mustaqbal madaw   oo  tusaale ay inagaga filnaan karto  Ciidan aan lahayn  kala sarayn iyo kala dambayn  maxaa ka dhalan kara?.

Haddaba buugan uu qore Marxuum  Max’ed C/laahi guri barwaqo ee la yidhaa YAGLEEL  waxa uu jawabayaa  baahiyo fara badan  ee ummadda reer soomaliland la soo darsay  kuwii ugu muhiimsanaa ee ahaa Aas aaska jirtaanka ummaddan oo aynu odhan karno waa halbawlihii nolosha marka aad maqasho Ciidan Qaran dhismihii  oo ah ummadd noloshood.

Xuskii Sanad guuradii 19aad ee aas aaska ciidanka Qaranka JSL  oo ahayd maalintii  Qaranka S/land uu  intifaacsaday aayihii iyo dhaxalkii  uu ka tagay Mujaahid Max’ed C/laahi Guri Barawaaqo  oo ahaa  Agaasimihii hore ee Wasaarada gaanshandhiga  S/land 1994  ilaa 2008 taas oo sida aan  hore  u soo xusnay uu mujaahidkani ahaa aas-aasihii Astamaha Ciidmada Qaranka S/land iyo sidoo kale aqoon-yahankii dajiyay ee sameeyay habka iyo hanaanka guud ahaan Ciidmada S/land loogu qaybinayo  darajooyinka Ciidanka.

Haddaba xuskaasi  loo sameeyay  Ciidanka Qaranka JSL  sanad guuradiisii 19aad oo loogu qaybiyay darajadii  12kii sarkaal ee ee ugu horeeyay  Ciidanka ayaa waxa  madasha  ka cadeeyay oo ka marag kacay  in uu aayahan qaranka uga tagay Mujaahid Max’ed C/laahi Guri Barwaaaqo  Wasiirka Wasaarada Gaanshandhiga  JSL mudane Axmed Xaji Cali Cadami   madashan  uu wasiirku kaga marag furay oo  ahayd  mid  heer Qaran loosoo agaasimay ahayd  oo uu fadhiyay Madaxweynaha JSL  ayaa waxa hadaladii Wasiirka ka mid ahaa’’ nin muwaadin ah oo reer somaliland  u dhashay  oo ahaa agaasimihii hore ee wasaarada gaashandhiga ayaa  sameeyay darajada Ciidamada JSL  oo la odhan jiray Max’ed C/laahi Guri barwaqo  oo la odhan jiray (fani)  alle ha u naxariistii , sidaan qofka loo ilaawin oo loo xuso xitaa hadii ay geeri timaado  wixii  wanaagsanaa ee uu sameeyay  oo ay tahay wax recordka ugu jira  ummaduna u ogtahay * xitaa  hadii qofku geeriyooday  wixii isaga ka soo jeedana lagu Abaal mariyo.

Haddaba  hadaladaasi   wasiirka  ee xuskii  Ciidanka  lagu bixiyay darajooyinka Ciidanka kadib  waxaan garawsaday in marxuumkaasi  uu ka tagay dhaxal ma-guuraan ah  oo aan  la qarin karin  isla markaana  Qaranku iyo ummadu  u aayeen midhihiisii  oo aanay suuro gasheen   in darajo loo qaybiyo Ciidanka iyo ogaal la,aanta dadkiisa ayaa waxay igu kaliftay in aan waayaha marxuumka dul istaago  una qaato qalinkayga  si aan ummadda  u xasuusiyo qiimaha iyo darajada  uu inaga tagan yahay  oo ahayd mid lagu maamuuso  isaga iyo qof kasta oo muwadin ah oo  ummadiisa  dhaxal uga taga , sidaas awgeed waxaan qormooyinka dambe  idin  soo gudbin doonaa  waayihiisii kala duwanaa ee Agaasinimo  iyo  durufihii nololeed ee buugiisa iyo waxay  noqotay  abaal-marintiisii iyo arimo kale oo fara badan oo dareeno kala duwan xambarsan.

 

Lasoco qaybta danbe

Miyir Cali Xuseen

miyircali@gmail.com

Moble: 0634046313

Hargeysa Somaliland

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here