Xuska Dhalashada Nebiga (NNKH) oo Lagu Qabtay Hargeysa

0
682
Hargeisa (Hargeisa Press) – Waxaa maanta magaalada Hargeysa lagu qabtay munaasibad lagu weynaynayo xuska dhalshada Nabi Maxamed (NNKH).
 
Munaasibada xuska dhalashada nebigeena suubaan ayaa waxaa ka soo qayb galay Guddoomiye ku xigeenka golaha Wakiilada Somaliland Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, Culumaa’udiin, dhalinyaro iyo dadweyne badan. 

Culumaa’udiinkii ka soo qayb gay munaasibada xuska Nebigeena suuban (NNKH) ayaa ku dheeraaday sida ay muqadas ama lagama maarmaan u tahay in la barto sunadii Nebiga iyo saxaabadiisii.

Isu imaatinada lagu weynaynayo dhalasha Nebigeena Muxamed SCW ayaa lagu qabtaa caalmka oo dhan waxaana lagu tilmaamaa in ay muhiim u tahay Ummada Muslimiinta si aan maanka looga saarin ku dayashadda tilmaamihii iyo dhaqankii wanaagsanaa ee Rasuulka SCW.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here