Hargeysa (Hargeisa Press) – Xuska munaasabadda sannad-guurada 1497aad ee dhalashada Rasuulkeenna suuban (NNKH), ayaa maanta ka qabsoontay magaalada Hargeysa.
Munaasabadda dhalashada Nabi Muxammed (NNKH), ayaa waxa ka soo qeybgalay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, guddoomiye ku xigeenkii hore ee golaha Wakiillada, xildhibaano, culimaa’udiin, madaxda kala duwan ee dalka iyo bulshada qeybahooda kala duwan.
Munaasibada xuska, ayaa intii ay socotay waxaa lagu soo bandhigay qisooyin kala duwan oo ku saabsan dhalashada Nabi Muxammed (NNKH) iyo sidii loo weynayn lahaa xuska dhalashada nabigeena suuban.
Sidoo kale, madaxdii iyo culimadii kala duwanaa ee ka soo qayb gashay madasha xuska dhalasha nabiga (NNKH), ayaa halkaasi ka soo jeediyay muxaadarooyin iyo siirada Rasuulka (NNKH).
Xuska munaasabadda dhalashada Nabi Muxammed (NNKH) oo la xuso sannad kasta 12-ka bisha Rabiicul Awal ee taariikhda Hijriyada, ayaa lagu weynaynayay sunnaha iyo jacaylka Nabi Muxamed (NNKH).