Xukuumadda Somaliland Oo Shir La Yeelatay Haayadaha Caalamiga ah

0
441

Hargaysa (HP): Xukuumadda Somaliland ayaa shir la qaadatay haayadaha caalamiga ah ee dalka ka hawl gala.

Shir lagaga arrinsanayo qaabka loo fulinayo dhismayaasha danta guud ee dalka lagu caawiyo ayaa dhexmaray wasaaradda hawlaha guud iyo hay’addaha caalamiga ah ee fuliya dhismayaashaasi.

Waxaana shirkaasi ka qayb galay wasiiradda hawlaha guud, waxbarashada, caafimaadka, deegaanka, xanaannada xoolaha iyo hay’addaha fuliya dhismayaasha danta guud ee dalka la siiyo sida kuwa UN -ka iyo NGOs’ka iyo hay’addaha caalamiga ah.

Intii uu socday shirkaasi waxa lagaga wada hadlay in wasaaradda hawlaha guud qayb ka ahaato xulista goobta dhismaha laga dhisayo.

In ay ansixiso nashqada iyo qiimaynta dhismayaasha, in ay masuul ka ahaato kor joogtaynta iyo ilaalinta Tayada dhismayaasha, bixinta dhameystirka dhismayaasha.

In ay ku darto diwaangelinta hantida maguurtada ah, in ay kaydiso asalka xogta dhismaha, inay sameyso shahadada badqabka dhismaha.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here