‘Siyaasaddani waxay ka qayb qaadan doontaa Deegaan aad u qurux badan…”

0
212

Hargaysa (HP): Agaasimaha guud ee wasaaradda Deegaanka iyo isbadelka Cimilada JSL ayaa soo dhaweeyay siyaasadda horumarinta dhalinyadda ee ay xukuumadu diyaarisay.

Waxaanu sheegay in siyaasaddani ay ka qayb qaadan doonto horumar aad u weyn iyo Deegaan qurux badan.

Maxamed Cabdulaahi Ducaale, Agaasimaha Wasaaradda Deegaanka iyo
Isbedelka Cimilada JSL waxa uu sidan ka sheegay hadal uu ka jeediyay furitaanka shirka dib u eegista siyaasadda dhalinyaradda Somaliland.

Shirkaasi oo maanta ka furmay caasimadda Hargaysa waxaa soo qaban qaabisay, isla markaana soo diyaarisay wasaaradda Dhalinyaradda, iyo Ciyaaraha Somaliland.

DAAWO: Khudbadda Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Deegaanka:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here