Taiwan Oo Addeegyo Caafimaad Ka Fulisay Xaafado Barakaceyaal Degan Yihiin

0
220

Hargaysa (HP): Wasaaradda Caafimaadka Somaliland oo kaashanaysa khubaro ayaa adeegyo caafimaad ka fuliyay Kaamka barakacayaasha ee Naasa-hablood, halkaasi oo bulshada ku nool loo sameeyay daawayn, baadhitaano iyo taakulay caafimaad.

Hawl-wadeenada Cisitaalka guud ee Hargaysa ayaa fulinyay adeeg bixintan caafimaad ee wasaaradda horumarinta Caafimaadka Somaliland ay ugu talo gashay dadka ku nool kaamka barakacayaasha Naasa-hablood, bulshada adeegyadani loo fidiyay ayaa waxa ay isugu jiraan haween, caruur yar yar iyo dhalinyaro.

Masuuliyiinta wasaarada caafimaadka gaar ahaan Cisbitaalka guud ee Hargaysa iyo dhakhaatiir ka socday Taiwan oo ahaa fuliyayaasha adeegani ayaa markii uu bilaabmay ka warbixiyay adeeg bixintan caafimaad iyo cid ka faa,iidaysanaysa ee loogu talo galay.

Waxaanay yidhaahdeen “Halkan labadii maalmood u danbeeyay waxaa ka socday olole caafimaad oo ay iska kaashadeen wasaaradda Caafimaadka, Taiwan Midical Mission iyo ururka SAAHA ee fadhigiisu yahay Hargaysa group Hospital, runtii shalay iyo maantaba shaqadu si fiican bay u socotaa”.

“Waxaanay dhakhaatiirtu la kulmeen bukaano aad u badan,kuwaasi oo ka cabanayay xannuuno kala duwan sida xannuunada guud kuwa lafaha, caruurta iyo neerfaha intaba maantana dhakhaatiirtu hawsha sidii bay u wadaan”.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here