Xukuumadda Somaliland oo ku baaqday Banaan-bax weyn

0
1732

Boorama (Hargeisa Press)- Xubno ka mid ah golaha Wasiirrada Somaliland, ayaa waxaa ay maanta shir xaasaasi ah ku yeesheen magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal.

Shirkan oo saacado qaatay, ayaa waxaa xubnaha golaha Wasiirrada ku wehelinayay Agaasimeyaasha xukuumadda, maamulka gobolka Awdal iyo masuuliyiinta xisbiga Kulmiye ee gobolka Awdal.

Xubnaha wasiiradda iyo masuuliyiinta xukuumadda oo markii uu soo dhamaaday shirku warbaahinta la hadlay, ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay ujeedka shirkooda iyo arrimaha uu daarnaa.

Waxaa ay sheegeen masuuliyiintu in ay shir la yeesheen Musharraxa Madaxweyne kuxigeenka ee xisbiga Kulmiye, ahna Wasiirka wasaaradda Ganacsiga Maxamuud Xasan Sacad Saajin.

Masuuliyiintan, ayaa sidoo kale ku baaqay mudaharaadyo ka dhacaya magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal, kaasi oo ay sheegeen in uu dhacayo maalinta Isniinta ee uu xisbiga Kulmiye u leeyahay ololaha doorashooyinka.

Waxaanay xubnahan masuuliyiintu ay baaq u jeediyeen dhammaan taageerayaasha xisbiga Kulmiye ee gobolka Awdal, iyagoona ugu baaqay inay isugu soo baxaan mudaharaadkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here