Xukuumadda Somaliland Oo ka reebtay Cali Xoor Xoor Wefti Wasiirro ah oo u amba baxay Imaaraadka iyo Fashilaad ku soo fool leh heshiiska DP World

0
1389

Hargeysa, (HargeisaPress) —Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Somaliland, ayaa maanta u ambabaxay dalka Imaaraadka Carabta, kuwaasoo soo dhammaystiri doonaan isfaham xukuumaddu la gashay Shirkadda DP World oo muddo 30 sanadood ah gacanta ku hayn doonta dekedda Berbera.

 

Xubnaha wafdigan oo uu horkacayey Baashe Cawilka uu madaxweyne Siilaanyo soddoga u yahay kana mid ahayeen wasiirada Arimaha Dibadda Sacad Cali Shire, Madaxtooyada Maxamuud Xaashi, Maaliyadda Zamzam Cabdi Aadan iyo Qorshaynta Cali Salaan Jirde ayaa waxa laga reebay maareeyihi dekadda Berbera Cali Xoor Xoor oo ah qofka kaliya ee lagu tirinayey inuu aqoon farsamo iyo waayo-aragnimo u leeyahay arimaha dekaddaha kaasoo markii uu subaxnimadii madaarka yimid loo sheegay in aanu ku jirin dadka fiiseyaasha loo soo saaray.

 

Waxa  isna xubinimadii wafdiga aan lagu soo darin wasiirkii Ganscsiga oo isagu ka mudna wasiirada kale ee wafdiga baxay ka koobnaa maa daama heshiiska dekaadu yahay mid inta badan ku lug leh arrimo ganacsi.

 

Heshiiska ku meel gaadh-ka ah ee kor ku xusan ayaa waxa uu dhigaya in shirkadda DPW yeelato 65% saamiyada shirkadda cusub ee dekadda lagu wareejinayo ,dhinaca Somaliland-na yeesho 35%-ka soo hadha.Hasa yeeshee  waxa  isa soo taraya wararka sheegaya inay jiraan qodobo qarsoodi ah oo ay shirkadda DPW  ugu ogolaatay Baashe Cawil iyo Cabdiraxmaan Boore saaami 14% ah oo ka mid moqonaya qaybteeda 65% ah taasoo saamiga dhabta ah ee DPW ka dhigaysa 51%.Xukuadda Somaliland ayaan ilaa hadda beenin amaba rumaynin inay wararkaasi wax ka jiraan iyo in kale.

President Ahmed Mohamed Mahamoud (left) and DP World Chairman and CEO Sultan Ahmed Bin Sulayem.
President Ahmed Mohamed Mahamoud (left) and DP World Chairman and CEO Sultan Ahmed Bin Sulayem.

 

 

 

 

 

Saamaynta Cali Xoor Xoor ku yeelan karo Fashilaada heshiiska

Maareeyaha Dekedda Berbera Eng Cali Cumar Maxamed Xoor Xoor oo muddo ku dhow 20 sano maareeye ka ahaa Dekedda Berbera, lana soo shaqeeyay xukuumadihii u kala dambeeyay talada dalka, ayaa go’aanka lagaga reebay heshiiska DP World sababi karaa isbedel iyo saammayn ballaadhan oo hadhaysa heshiiskaas iyo fulintiisa, maadaama Cali Xoor Xoor yahay masuul saamayn, magac iyo maamuusba ku leh Gobolka Saaxil oo ay ku taallo Marsada Berbera ee uu mudada dheer Maareeyaha ka ahaa.

 

Madaxdhaqameedka iyo Xildhibaannada Saaxil oo shiray

Madaxdhaqameed, xildhibaanno iyo dhallinyaro ka soo jeeda Gobolka Saaxil, ayaa shir ballaadhan oo ay maanta ku qabteen Hargeysa, kaga dhawaaqay shirweyne Wada-tashi oo ka dhan ah heshiiska mad madowga badani ku jiro ee xukuummaddu doonayso inay shirkadda Dp World ugu gacangeliso Marsada Berbera muddo 30 sannadood ah.

 

Shirka Madaxdhaqameedka Saaaxl iyo haldoorka Gobolku maanta iclaamiyeen wuxuu hordhac u yahay shirar isdaba jooga oo lagaga soo horjeedo heshiiska Dp World, kuwaasoo hordhac u ah fashilaad ku timaada heshiiskaas.

 

Somaliland markasta waxay u shirqoolantahay heshiiskaas

Haddii Somaliland ay heshiiska ka baxdo waxaa qasab ku ah inay bixiso lacag mag dhaw ah oo ay soo qiimaysato DP intuu doono ka noqdeee, haddii heshiiska oo aan fulina Somaliland  ka baxdo waxaa waajibku ah Somaliland inay bixiso lacagta xaqul-qalinka ah oo dhan 10 milyan. Markaa Somaliland markasta waxay u shirqoolantahay heshiiskaas.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here