Xukuumadda Somaliland oo Beenisay Inuu Madaxweyne Biixi La Kulmay Xasan Sheekh

0
2766

Hargeysa (Hargeisa Press) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Ciise Keyd Maxamuud, ayaa markii ugu horreysay ka hadlay warar sheegaya in Madaxweynaha Somaliland iyo Madaxweynaha Soomaaliya kulan ku yeesheen Jabuuti.

Wasiir Ciise Keyd oo maanta ka soo laabtay safar uu madaxweynaha Somaliland ku weheliyay oo uu ku joogay dalka Jabuuti, ayaa sheegay in aanu jirin wax kulan ah oo Jabuuti ku dhex maray madaxweynaha Somaliland iyo madaxweynaha Soomaaliya.

Wasiirka, ayaa sheegay in martiqaad aroos oo ay ka heleen Madaxweyne Geelle ay Jabuuti ku tageen, isla markaana aanu jirin wax wadahadal ah oo dhex maray madaxweyneyaasha.

Sawiro baraha bulshada ku baahay oo muujinayay Madaxweyne Biixi iyo Madaxweyne Xasan Sheekh oo wada fadhiya xaflada arooska Haybado Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa bulshada ku abuuray shaki ah in labada dhinac wada-hadal siyaasadeed yeesheen.

Ergooyin ka yimid waddamada Turkiga iyo Norwey, ayaa todobaadadii ugu danbeeyay isku dayay in dib loo bilaabo wada-hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya, lakiin Madaxweyne Biixi, ayaa dib u bilaabashada wada-hadalada ku xidhay shuruudo ay ka mid yihiin in Soomaaliya fuliso qodobadii ka soo baxay wada-hadaladii hore.

Wada-hadalada Somaliland iyo Soomaaliya oo markii ugu horaysay bilaabmay sannadkii 2012, ayaa ku guuldaraystay in ay keenaan natiijo wax ku ool ah, iyadoo Somaliland xukuumadii hore ee Soomaaliya ku eedaysay in ay ka baxday heshiisyadii la gaadhay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here