Wasaaradda Shaqo-gelinta oo Qabatay Shirka Daneeyeyaasha Arrimaha Shaqo Abuurka Dalka

0
796

Hargeysa (Hargeisa Press) – Wasaaradda Shaqo-gelinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Somaliland, ayaa waxaa ay maanta qabatay shirka daneeyayaasha arrimaha shaqo abuurka dalka.

Waxaana shirkan shir gudoomiyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqo-gelinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Somaliland Axmed Xasan Aw Aadan.

Shirkan oo ah mid afartii biloodba mar qabsooma, ayaa waxaa diirada lagu saaray xogta shaqo abuurka dalka Somaliland ka socda.

Waxa sidoo kale shirka lagu dul istaagay waxyaabihii ka qabsoomay qorshihii sanadkan sii galbanaya iyo qorshaha sanadka soo socda ee shaqa abuurka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here