Xukuumadda Somaliland: “Mareykanku wuxuu noqon-doonaa dalka ugu horreeya ee Somaliland Aqoonsada”

0
1826

Hargeysa (Hargeisa Press)- Xukuumadda Somaliland, ayaa waxaa ay si adag uga hadashay codsiga waraaqda la sheegay in uu Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh u diray Mareykanka.

Wasiirka wasaaradda Warfaafinta Somaliland Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, oo la hadlay Warbaahinta, ayaa waxaa uu sheegay in waraaqda Xasan Sheekh u diray Mareykanka ay muujinayso cadaawada ay Soomaaliya ku doonayso inay kaga hortagto inay Somaliland hesho aqoonsi.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland, ayaa waxaa uu sidoo kale codsiga Xasan Sheekh ku tilmaamay mid muujinaya xasillooni-darro siyaasadeed.

Waxaa uu sheegay in xidhiidhka Somaliland iyo Mareykanku yahay mid qoto dheer, oo kasoo bilaabmay golayaasha sharci-dejinta Mareykanka, isla-markaana xeerka cusub ee difaaca Mareykanka lagu daray qodobo qasab ka dhigaya in Somaliland lala macaamilo.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland, ayaa waxaa uu Xasan Sheekh ku eedeeyay in Soomaaliya oo dhan xataa uu bixin karo si uu kaliya uga hortago in Somaliland hesho aqoonsi, isaga oo sheegay in laga yaabo in ay jiraan waraaqo kale oo aan weli la arag oo Soomaaliya u dirtay Washington.

Waxaa uu sheegay in Soomaaliya ku fashilantay maamulkii dalkeeda, isla markaana waraaqda ay u dirtay Trump aanay waxba ka beddeli karin aqoonsiga Somaliland, waxaau sheegay in haddii Somaliland hesho aqoonsi ay noqon doonto dowlad walaal la ah Soomaaliya oo qayb ka qaadan doonta dhismaheeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here