Xukuumadda oo Soo Saaraysa Xeer Ka Dhan Ah Ganacsatada Dalka

0
961

Hargeysa (Hargeisa Press) Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa waxaa uu sheegay in ka xukuumad ahaan ay soo saarayaan xeer ganacsatada dalka ku khasbaya in ay isticmaalaan qalabka dab-demiska ee la dhigo meheradaha.

Wasiir Maxamed Kaahin Axmed, waxa uu sheegay in xeerkaasi jidaynayo ama khasab kaga dhigayo ganacsatada kala duwan ee dalka in ay meheradahooda dhigaan qalabka loo isticmaalo dam-demiska, kaas oo gaadhsiisan in ciddii u hogagaansami wayda lagala noqonayo liisanka ganaciga.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, waxa uu sidasasi ka sheegay hadal uu ka jeediyay Munaasibad ay Shirkadda Somaliland Fire ku soo bandhigtay qalab casriya oo dhinaca Dabka ah.

”Waxaanu soo saarayna xeerka isticmaalka qalabka damdamiska ee Suuqyada Dalka. Runtii shirkadani waxa ay keentay qalab aad u wanaagsan oo ah qalab loogu talo galay ka hortagga dabka.”ayuu yidhi Wasiir Maxamed Kaahin.

Wasiirku waxa uu intaasi raaciyay, “Wax kasta oo ina soo maraa waxay sameeyaan waayo aragnimo, xarumaheena ganacsi ee labada jeer gubtay waxya ahayd Tog-wajaale, waa tii la hagaajiyay dariiqyadii ee dab-damiska loo sameeyay, waxaa tababaray jananka iyo ciidankiisa, wax badan ayay ka tartay badbaadada baniaadamka iyo hantidas meesha taalla.”

“Habeenkii dhawayd waynu ogayn ee suuqa Waaheen. Qadar ALLE ayaa dhacay laakiin laba arrimood ayaa u sabab ahaa, qaabka ay ganacsatadeena suuqa Waaheen u dageen oo gabi ahaanba diidan kana soo hor jeeda in wax badbaado ah la samayn karo, dariiqyadii ayaa la degay, dhammaanteen inaga oo goob joog ka ah waxaynu wada arkaynay hantideeni oo gubanaysa oo aynaan waxba ka qaban karaynin,” ayuu yidhi Wasiir Maxamed Kaahin Axmed.

Wasiirka, ayaa sidoo kale waxaa uu intaasi raaciyay, “Ganacsade dhan oo bakhaar leh ooh anti badani taallo ayaa haddana waxa uu ka lexo-jeclaabayaa in uu bakhaarkiisa dhigto haan yar oo 30 dollar ah. Markaa waxaa khasab ah in aynu shuruucdeena ku darno in dhammaan goobaha ganacsiga dalka ay wada yaallaan qabalka dam-damiska. Hadda wasaaradda arrimaha gudaha oo kaashanaysa ciidanka booliska iyo ciidanka dab-damiska waxaanu soo saaraynaa ixeerkii lagu isticmaalayay qalabka dab-daminta in ay meherad kasta ay taallo, in meherada ay ooliwaydaa tallaabada laga qaadayaa aanay noqonin ganaax yare ee la gaadhsiin doono heer la gaadhsiiyo in laga qaado liisanka uu ku ganacsanayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here