Xukuumadda oo shaacisay xilliga la dhamaystirayo dhismaha Madaarka Boorama

0
1050

Boorama (Hargeisa Press)- Xukuumadda Somaliland, ayaa waxaa ay shaaca ka qaaday xilliga rasmiga ah ee la dhamaystirayo dhismaha madaarka magaalada Boorama.

Wasiirka wasaaradda Ganacsiga Somaliland Maxamuud Xasan Sacad Saajin, sheegay in uu sannadka dambe bisha May in uu dhammaad noqonayo dhismaha Madaarka Boorama.

Waxaanu balan qaaday in sanadka danbe bisha May dhamaad noqonayo dhismihiisu isla markaasina ay adeegsanayaan diyaaraduhu, waxaanu intaa ku daray in aanay ahayn dhagax dhig iyo bilaw midna balse ay tahay dhamaad.

Sidoo kale, Wasiir Saajin, ayaa bulshada gobolka Awdal ugu xog waramay waxyaabaha ay ka xukuumad ahaan ka qabteen gobolka, iyo waxa u dhiman ee ay rabaan inay hadda qabtaan, waxaanu soo qaatay Wasiir Saajin jidka isku xidhaya Boorama illaa Jabuuti oo uu sheegay inuu dhamaaday qaybtiisii hore isla markaasi hadda la sugayo in la bixiyo qandaraaska dhismaha rasmiga ah, kaasi oo la siin doono shirkada ku guulaysata.

Wasiirka wasaaradda Ganacsiga Somaliland Maxamuud Xasan Sacad Saajin, ayaa dhinaca kale soo qaatay intii uu xog warankiisa ku jiray fulinta jidka isku xidha Boorama iyo Baki oo ay ka xukuumad ahaan wax wayn ka qabteen, isla markaasi bulshadu bogaadisay waxaanu wasiirku sheegay in uu wax wayn ka tari doono dhaqaalaha iyo isku socodka bulshada.

Wasiir Saajin, ayaa sidan ka sheegay mar uu la hadlayay bulshadda gobolka Awdal oo ay ka xukuumad ahaan u sameeyeen qado sharaf, haldoorka iyo siyaasiyiinta gobolka, kulankaasi oo la isaga xog waraysanayay baahiyaha ka jira gobolka iyo mashaariicda ay xukuumadu ka fulisay.

Kulankan, ayaa waxa ka soo qayb galay badi wax garadka, qoonyahanka, madax dhaqmeedka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada gobolka Awdal, waxaana lagu kala qaadanayay xogaha waxqabad ee xukuumadda iyo qorsheyaasha la xidhiidha qabashada waxa dhiman ee ay bulshadu tabayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here