Xukuumadda Kulmiye oo soo bandhigtey balanqaadkii hirgalay ee 2017-2022

0
1404

Hargeysa (Hargeisa Press)- Xisbiga muxaafidka ah ee talada Somaliland haya ee Kulmiye, ayaa soo bandhigay wax-qabadka xukuumadda ee banalqaadkii Barnaamijka Siyaasadeed ee 2017-2022.

Barnaamijka waxqabadka xukuumadda, ayaa waxaa lagu soo bandhigay muuqaal Dukumenteri ah, si bulshada loogu xaqiijiyo wixii ay xukuumadda Kulmiye balanqaaday.

Ujeedada barnaamijku xanbaarsan yahay, ayaa ah in Bulshadu ka garowdo balanqaadkii Xilligii Ollolaha ee Xisbiga KULMIYE, 2017 illaa 2022.

Waxaana dukumenteriga lagu soo diyaariyay muuqaal si cad u qeexaya tiirarka balanqaadkii, wixii ka hirgalay ee uu fuliyay Xisbiga Kulmiye iyo balanqaadka wixii ka qabyoobay oo si badh ah loogu qeexayo dukumenteriga.

Todoba rukun oo ah kuwa ugu waaweyn balanqaadkii, ayaa lagu sharaxayaa muuqaalka, sidoo kale, waxa weheliya fulinta waxyaabo dheeri ah oo ay fuliyeen Xukuumadda iyo Xisbigeeda KULMIYE oo aannay Bulshadu xog-ogaal u ahayn, balse laga sugayo garawshiiyahooda marka ay si degan u dersaan muuqaalka, taas oo go;aamin doonta kalsoonida in Bulshadu markii saddexaad ugu aaminaan codkooda Xisbiga KULMIYE iyo Murrashaxa markii labaad Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo ku xigeenkiisa Maxamuud Xasan Sacad (Saajin).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here