Xukuumadda Afghanistan oo Maanta sheegtay in uu Geeriyooday Hogaamiyihii Ururka Daalibaan

0
805

KABUL — Dawladda Afghanistan ayaa sheegtay inay baadhayso warbixino sheegaya inuu dhintay hogaamiyihii Taalibaan Mullah Cumar. Hoogamiayahan oo aan aad loo arki Kari jirin ayay dowladdu sheegeysaa inuu geeriyooday “labo ila saddex sano” ka hor.

Afhayeen ku xigeenka Madaxweynaha Afghanistan, ayaa Arbacada maanta shir jaraa’id ku sheegay in dawladdu hayso xogo sheegaya dhimashada Mullah Cumar, islamarkaana ay socoto qiimayn lagu samaynayo wararkaasi.

Xogo mukhaadaraadka Afghanistan laga helay ayaa sheegaya inuu geeridooday muddo laba ilaa saddex sanno ka hor ah.

Afhayeenka Waaxda khaarajiga ee Maraykanka John Kirby, ayaa sheegay inaan Maraykanku xaqiijin karrin geerida Mullah Cumar.

Ilaa hadda Ururka Taalibaan kamay hadal arrintan, inkasta oo afhayeenka Ururka Taalibaan oo BBC-du la xidhiidhay u sheegay in arrintan ay bayaan ka soo saari doonaan.

BN-JP618_0729om_TOP_20150729063224

Mullah omar ayaa hoogaminayay Taliban ilaa xilligii dagaalkii sokeeye ee dalkaasi, iyadoo Talibanku ka guuleysteen kooxihii kala duwanaa ee awoodda ku loollamaysay.

Markii dambe waxaa uu isbahaysi la galay hoggamiyaha Al-Qaciddah ee Usma Bin Ladin, taas oo ku qasabtay in Maraykanka ay dulaan ku qaadaan dalka Afghanistan sanadki 2011-ka kadiib weerarki 9/11 ee New York iyo Washington.

Wixii xilligaasi ka dembeyay Mullah Cumar ayaa dhumaaleysi ku jiray, iyadoo Mareykanka u madaxiisa kor dhigay 10 milyan oo doollar oo uu ballanqaaday inuu siinayo ciddii ka caawiso in la qabto ama la dilo.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here