Xukuumada oo Sharci Cusub Ka Soo Saartay Kufsiga Haweenka

0
1200

Hargaysa (Hargeisa Press): Xukuumadda Somaliland ayaa shaacisay in sharciga la marsiinayo Ninkii ku kaca fal Kufsi ah.
Iyadoo aan la aqbali doonin in nidaamka oday dhaqameedka lagu dhameeyo qofkii lagu hello fal Kufsi la xidhiidha.

Sidoo kalena dadka doonaya in ay sharcigaa jebiyaan in iyaga laftooda tallaabo laga qaadi doono.

Sidaasina waxaa sheegay wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, oo warbaahinta u akhriyay qodobo laga soo saaray kulan uu xafiiska kula yeeshay guddoomiyeyaasha goboladda dalka.

Wasiirka oo soo xiganayay falkii Kufsi ee u danbeeyay oo laba maalmood ka dhacay magaaladda Burco, kadib markii nin inta uu gabadh Kufsaday kadib na dilay ayaa ku tilmaamay falkaasi mid bini’aadannimadda ka baxsan.

Waxaanu tacsi u diray qoyska, ehelka iyo qarraabadda gabadhaas Burco lagu Kufsaday kadib na la dilay.

Geesta kale wasiirka arrimaha gudaha oo ka hadlayay qodobadda ka soo baxay shirka uu la yeeshay badhasaabyadda waxa uu sheegay in la joojiyay gebi ahaanba caleemo-saarka cuwaasha cusub, isla markaana tallaabo laga qaadi doono cid kastoo arrimahaas dabadda ka riixaysa.

Maxamed Kaahin, ayaa carrabka ku adkeeyay in qodobadii lagu aasaasay dawladnimadda Somaliland ay koow ka ahayd nabad ku wada noolaan shiyaha beelaha degya Somaliland.

Isagoona xusay in aan cudur-daar la siinin dadka nabadgeliyadda bur-burinaya nooca ay doonaan ba ha ahaadeene.

Daawo: Wasiirka Oo Arrimahaas Ka Hadlaya:


Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here