XUKUUMADA MADAXWAYNE BIIXI WAXA AY QABAN KARI WAYDAY DOORASHOOYINKII DALKA EE MUDAYSNAA , WAXAANA AY DIB ISAGA RIIXDAY MARKII LABAAD , TAASI OO U EEG IN NIDAAMKII DOORASHOOYINKA DALKA LA ISKA DAAYEY !!!

0
156
Qora Muhamed Dhimbiil
GEEDI SOCODKII DIMUQARADIYADA IYO DOORASHOOYINKII SOMALILAND OO GOD MADAW KU SII DHACAYA IYO MUDO KORDHIN AAN DURUUFO KEENAY LA GARANAYN OO LUXUDKA DHIGAYSA MUSTAQBALKII UMADANI HALGANKA DHEER USOO GASHAY
Dalka jamhuuriyadda Somaliland waa dal dimuqaraadi ah oo qaatay nidaamka axsaabta badan iyo doorashooyinka xorta ah , sida ay shuruucda dalku dhigayaan dadka hanka leh ee rajaynaya in ay noqdaan madaxwayneyaal , xildhibaano gole guurti , xildhibaano gole wakiilada iyo xildhibaanada goleyaasha deegaanka somaliland wadada ay u marayaan waa wado uu sharciga dalku baneeyay oo ah in qofku doorasho dadwayne ku soo baxo , isla markaana mudada la doortay ay tahay 5 sanadood , guurtidana 6 sanadood.
Somaliland nidaamka ay qaadatay ee dimuqaradiga ahi waa mid wanaagsan oo diinta iyo dhaqanka iyo duraafaha dalkaba ku fadhiya marka aan aragtideyda ku qiyaaso laakiin waxa uu waayey hiil iyo cid ugu dhiirata oo u ilaalisa umada reer somaliland waxaa ay shuruucdu sheegayaan iyo wadadaa siyaasadeed ee muwaadiniinta loo jeexay in ay ku iman karaan talada qaranka kagana qayb qaadan karaan hogaaminta dalkooga .
Faaiidooyinka ay leedahay in nidaamka sharci ee doorashooyinka iyo wakhtigooda umada loo ilaaliyaa waxaa ka mid ah ;
1- Dalka oo hela deganaansho siyaasadeed , hadii deganaansho siyaasadeed la helo oo ah is aamin waxwalba wadadaa sharciga aanu ka baydhayn ah , waxa imanaya horumar iyo hore u socod .
2- Muwaadiniinta oo rajadooda iyo mooraalkoogu aanu marna hoos u dhaceen , waa marka ay og yihiin in qofku mudadaa la doortay kursiga fadhiyayo .
3- Nidaam hagaagsan iyo dariiqaa doorashada oo qodxaha laga guraa waxa ay keenaysaa in maalin ay noqotaba maalin uun uu umadan u soo bixi doono hogaamiye inaga saara marxalado badan iyo duruufaha adag ee dalkeena gadaaman .
Hadii aan dib idiin xasuusiyo doorashooyinkii somaliland soo gashay intii ay guurtay nidaamka dimuqaradiga ah
1- 31 – May – 2001 dadweynaha somaliland waxa ay u dareereen cod bixintii aftida dastuurka jamhuuriyada somaliland oo ay ogolaadeen 97% dadweynihii codkooda dhiibtay .
2- sanadkii 2002 dhamaadkiisii waxa la qabtay doorashadii dawladaha hoose iyo goleyaasha deegaanada somaliland ee ugu horaysay oo dadweyne codkooda ku soo dooranayaan dadkii maamulka iyo masuulka uga noqonayey dawladaha hoose ee dalka , waxaana ay mudo xileedkoodu ku eekayd dabayaaqadii sanadkii 2007 .
3- Sanadkii 2003 horaantiisii bishii 4aad waxa la qabtay doorashadii madaxwayne ee somaliland ugu horeysay ee dadweynuhu codkooda ku soo doortaan madaxweynaha ay rabaan , waxaana uu mudo xileedkiisu ku ekaa horaantii sanadkii 2008 .
4- Sanadkii 2005 dhamaadkiisii waxa la dooratay xildhibaanadii goleyaasha wakiilada somaliland u metalayey muwaadiniinta oo dadweynuhu markii ugu horaysay codkooda si toos ah ugu soo doortaan , waxaana ay nudo xileedkoodu ku eekayd dabayaaqadii sanadkii 2010 kii .
5- sanadkii 2010 badhtankiisii bishii 6 aad waxa la doortay madaxweynihii labaad ee jamhuuriyada Somaliland ee dadweynuhu si xor ah codkooda toos ugu soo doortaan , waxaana ay mudo xileedkiisu ku eekayd badhtamihii sanadkii 2015 kii .
6- Sanadkii 2012 dhamaadkiisii waxa la doortay dawladihii hoose iyo goleyaashii deegaanka ee labaad oo dadweynuhu codkooda si toos ah markii labaad ugu soo doortaan , iyada oo mudo xileedkoodu ku ekaa dhamaadkii sanadkii 2017 kii .
7- Sanadkii 2017 kii dhamaadkiisii waxa la doortay madaxweynihii 3 aad ee somaliland dadweynuhu codkooda si toos ah ugu soo doortaan iyada oo mudo xileedkiisu kaga eeg yahay dabayaaqada sanadka 2022 ga .
Waxa aan somaliland wali ka suuragalin in Golaha Guurtida la doorto oo ay dadweynuhu codkooda si toos ah ugula soo baxaan xildhibaanada u metalaya golaha guyrtida jamhuuriyada somalilabd .
Intaa kale ee aan ka soo waramay marka muwaadin iyo akhriste aad dhuuxdo ee aad xisaabiso mid waliba inta uu fadhiyo ee la doortay waxa aad si dhib yar u ogaanaysaa in mudo kordhini dalkan naafaysay oo aan la ixtiraamin shuruucdii dalka iyo xuquuqdii muwaadiniinta reer somaliland.
Waxa xusid mudan intii xukuumadan Madaxwayne Biixi gadhwadeenka ka yahay talada dalka hogaaminaysay oo laba sano ah ay ku guulaysan wayday in ay qabato doorashooyinkii mudaysnaa , oo laba goor mudo kordhin loo sameeyey golaha walkiilada somaliland iyada oo golaha deegaanka dalkana ay ka dhamaatay mudadu oo aan la garanayn ilaa maanta sharciga ay kuraasida ku fadhiyaan.
Waxa wax laga xumaado ah in shalay 24/11/2019 in golaha guurtida somaliland markii 6aad mudokordhin u sameeyeen golaha wakiilada waxxaana ay mudo laba sano ah u kordhiyeen golaha wakiilada somaliland taasi oo aan la garanayn duruufaha ay u cuskadeen iyo sababta dalka doorashooyin looga qaban laayahay labadaba .
Mudo kordhin ama xiliga uu madaxweynaha ama xildhibaanku kursiga fadhiyayaa marka aad shuruucda dhuuxdo waxa kuu soo baxaysa duruufihii loogu kordhiyey mudooyinkaa hore oo dhami iyo waliba tani ugu dambaysay in ay ahaayeen duruufo aan ahayn kuwii shuruucdu sheegtay oo dano iyo dad samee ah oo cimri dherer iyo kursiga oo lagu negaado looga dan lahaa marka laga reebo mudo kordhintii doorashadii madaxweynaha ee ugu dambaysay oo ay somaliland ka dhacday abaar baahsani .
Mudo xileedka madaxweynaha iyo ku xigeenka waxa si cad u qeexaya qodobka 88naad ee dastuurka somaliland farqadiisa 1aad .
Mudo xileedka xildhibaanka Golaha Wakiiladana waxa si cad u qeexaya Qod 42aad ee dastuurka jamhuuriyada somaliland Farqadiisa 1aad .
Sidaasi oo kale xuquuqaha doorashada ee muwaadiniinta reer somaliland waxa si cad u qeexaya Qodobka 22aad ee dastuurka jamhuuriyada Somaliland Farqadihiisa 1aad iyo 2aad .
Waxa aad isweydiinaysaa baa laga yaabaa muxuu madaxweynaha ugu eedaynayaa doorashooyinka oo ah masuuliyad mararka qaar la wadaago ama leh daneeyeyaal doorasho iyo hay’ado kale oo saameyn ku leh doorashooyinka ?
Jawaabta su’aashaasi waxa ay noqoneysaa madaxweynuhu waa masuulka ugu sareeya qaranka jamhuuriyada somaliland , waa cida koowaad ee umadu dooratay ee ku amaanan ama ku magac waayeysa mudadaa uu kursiga joogo , waxa uu maamulaa qaranka oo dhan waxaana uu si gaar ah u hayaa awooda fulineed ee dawladnimo oo ah masuuliyada ugu culus , waxa intaa dheer Xukuumada iyo waaxda fulinta ee madaxweynuhu ugu horeeyaa waa cida kaliya ee mudadii dadweynuhu dooorteen ku guda jirta ee aan mudo kordhin ku fadhiyin ilaa hadda.
Waxa waajib ah in aan xasuusino in uu noqdo madaxweyne umadiisa dariiq wanaagsan oo bilaa qodxo ah u jeexa , in uu noqdo hogaamiye soo saara hogaamiyeyaal umadan dabadii sii hogaamiya , in uu iska ilaaliyo waxii shalay la qaldanaa in ay la qumanaadaan oo uu maanta dhex dabaasho waxii uu diidanaa oo dhan , iyo in aynu ku boorino maanta ayuu fursad haystaaye in uu qabto waxkasta oo dadka u wanaagsan oo isagana u noqota taariikh lagu xasuusto.
Waxa kale oo aan jecelahay in aan xasuusiyo madaxweynaha in aan dawladnimadu aheyn daaro iyo dariiqyo la dhiso ee ay tahay dad la dhiso iyo dariiq wanaagsan oo loo jeexo , hadii intaa la helo daar iyo dariiqyo maahee waxa aynu gaadhi karnaa waxkasta oo aadame qabsaday aduunka oo horumar iyo wanaag ah .
Waxaa kale oo jira in axsaabtii siyaasada somaliland ee mucaaridka ahaa ay ka biyo diideen komishanka doorashooyinka ee dalka loo dhaariyey oo xubno ka mid ahi aanay shuruudaha buuxinin sababta golaha wakiiladu ku ansixiyeena ilaa maanta aan la garanayn , arinkani oo isaguna ah caqabad kale iyo dhibaato lagu gudbayo in somaliland doorashooyinkeedii iyo geedi socodkii dimuqaradiyadu sii socdo marka waxyaabahan oo dhan la isku daro iyo halka maanta la kala taagan yahay.
Ujeedada koowaad iyo nuxurka aan qoraalkayga uga jeedaa waxa weeye in muwaadiniinta reer somaliland madaxdooda kula xisaabtamaan waxa ay xaq u leeyihiin sidii loogu ilaalin lahaa , isla markaana dalkeenu u yeelan lahaa dariiq siyaasadeed nadiif ah oo doirashooyinku wakhtigooda ku dhacaan , qofkii mar labaad han ku jiro uu wadada sharciga ah ee doorashada uu soo maro oo hadii uu u qalmo loogu celiyo oo dib loo doorto hadii kalena uu umada ka hor dhaqaaqo.
Iyo ujeedada labaad oo ah in aan muwaadiniinta ku baraarujiyo in waxa lagu murmayo ee la isku dul haysto marwalba in uu yahay mustaqbalkoogii iyo kii ubadkooga oo aanay fudeydsan muranada siyaasadeed iyo xadhig-jiidadka siyaasiyiinta ee ku fadhiya danahooga gaarka ah .
Ujeedadayda sadexaad oo iyaduna ah in aan muwaadiniinta reer somaliland xasuusiyo kuna baraarujiyo cidii aan ku qanacsanayn 3 sadexda xisbi qaran ee maanta somaliland ka jira in ay haystaan fursad kale oo sharcigu siiyey oo ah furashada ururada siyaasadeed , iyada oo waliba aan rabo in aan xasuusiyo xiliga ugu haboon ee la furi karaa waa doorashada golaha deegaanka ee soo socota oo la raaciyo , si aanu u lumin ama dib ugu dhicin xaq iyo xuquuq muwaadiniinta reer somaluland leeyihiin .
Su’aalaha aan ku soo geba-gebaynayaa qoraalkayga waxa weeye mid aan dadweynaha reer somaliland waydiinayo oo aan leeyahay dadwaynoow waxan la isku haysto wali ma is waydiiseen ? mudadan la korodhsanayo cida ay ku lumayso wali ma ka fikirteen ? hadiiba nidaamkii doorashooyinka la fadhiisiyey oo dalkii doorashooyin ka dhici waayeen maxaa inoo talo ah ?
Rayiga iyo Aragtida
Mohamed Abdi Jama
Facebook : Muhamed Dhimbiil
Twitter : @dhimbiil

LEAVE A REPLY