Xukuumada Kulmiye Oo Qorshaynaysay Sidii Ay Ganacsatada Uga Iibin Lahaayeen Wakaalada Biyaha Hargaysa

0
870

Dhiig miiratadii Siyaad Bare sheegi jirey kuwa ka daran ayaa Maanta Somaliland qabsaday waxa Af Somaliga lagu yidhaahdo Dulin  Ama Cayayaan,Dukhaanka ,injir,Gofaneha. Shilinta waxaas oo dhami waxay Cabaan oo ay ku Nool yihiin Dhiiga Dadka iyo Xoolaha weliba si aan Dareen badani ku jirin ayey u Cabaan waxa Nasiib daro ah qaar ka tirsan Ganacsatada Waaweyn ee ka soo jeeda JSL ayaa la mid noqdey Casaabada uu Hogaamiyo Axmed Siilaanyo oo Jaqaya Dhiiga Shacbiga Reer Somaliland waxa Maal mahanba la hadal hayey in Casaabada Axmed Siilaanyo dooneyso iney Iibiso Wakaalada Biyaha ee Hargeysa isla markaana ay u yeedheen qaar ka mida Qanacsatada ku biirtey Casaabada Cabta Dhiiga Shacbiga waxa hore u jirtey iney Casaabadu iibisey Wershedihii Leydhka ee Magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera mana jirto cid ilaa Maanta ka hadashay markii taa hore laga hadli waayey ayey ku dhalatay iney Wakaalada Biyahana Raaciyaan waxa kaloo jirta sida ay u wada shaqeeyaan Casaabada Axmed Siilaanyo iyo Ganacsatadu ayaa ku salaysan dano la is weydaarsado Tusaale ahaan Ganacsatada waxa laga doonayaa iney Ganacta ku hayaan Siyaasiyiinta Salaadiinta Cuqaasha Aqoon yahanka ay isku Beesha yihiin oo haduu Suldaan ka mida Beeshu dhaliilo Casaabada waxa markiiba u tegeya Ganacsadihii iyo Toban kale oo u geynayaLlacag iyo Gaadhi waxaana laga codsanayaa Suldaanka inaanu mar dambe Saxaafada ku hadal wax kastoo uu u baahdana ka doonto meel loo tilmaamay Ganacsataduna danaha ay Casaabada ka leedahay ayaa ah in Hantida Qaranka iyaga laga Iibiyo waxaan ku soo xidhayaa su’aashan mudo intee leeg ah ayey Cayayaanku sii Cabayaan Dhiiga Shacbiga?

 

Qalinkii Cali Cismaan Libaaax ( Mujaahid Cali Xaraaro)

LEAVE A REPLY