Tababar Loo Soo Xidhay Garsoorayaasha Iyo Tababarayaasha Kubadda Cagta Somaliland Oo Muddo Socday + SAWIRRO

0
1118

Hargeysa, (HargeisaPress) — Wasiirka wasaaradda Dhallinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska Somaliland Md. Axmed Cabdi Kaahin ayaa shahaadooyin guddoonsiiyey 60 iskugu jira garsoorayaasha iyo tababaraasha kala duwan ee kubadda cagta Somaliland, kuwaas oo dhamaystay tababar heer caalami ah oo u socday muddo siddeed maalmood ah.

13(151)

Tababarkan oo ay.iska kaashadeen Xidhiidhada kubadda cagta Somaliland iyo Jabuuti ayaa Munaassibadii xidhitaanka waxa ka qabsoontay hoolka dallada dhallinyarada SONYO, waxaana ka soo qeyb-galay wasiirka Dhallinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska Md. Axmed Cabdi Kaahin, Wasiir Xigeenka wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Md. Bashiir Cabdi Xariir, Agaasimaha Guud ee wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Md.

Maxamed Xuseen Axmed (Dhabeeye), Agaasimaha Guud ee wasaaradda Duulista iyo Hawadda Md. Cumar Cabdilaahi Aadan, Agaasimaha waaxda ciyaaraha Mr. Maxamed Nuux Jibriil, Xidhiidhka kubadda cagta Somaliland iyo Xidhiidhka kubadda cagta Jabuuti, masuuliyiinta kooxaha kubadda cagta heerka koowaad, marti sharaf iyo xubnihii tababarka loo xidhayey.

111(33)

Ugu horeyn waxaa halkaasi ka hadlay kana war-bixiyey tababarkan iyo faa’iidadiisa Guddoomiyaha xidhiidhka kubadda cagta Somaliland Mr. Cabdilaahi Kheyre Cawaale (Gacal), waxaana uu ku dheeraaday inay guul u tahay wasaaradda ciyaaraha iyo xidhiidhka kubadda cagta Somaliland in marki ugu horeysay abid tababarkan caalamiga ah loo qabto garsoorayaasha iyo macalimiinta kubadda cagta gobollada dalka, waxaana uu uga mahad-naqay xidhiidhka kubadda cagta Jabuuti oo tababarkan bixinayay iyo ururka Qurba-joogta horumarinta ciyaaraha Somaliland oo gacan laxaad leh ka gaystay qabsoomida tababarkan.

4(421)

Waxaa isaguna halkaasi ka hadlay Xoghayaha guud ee xidhiidhka kubadda cagta Jabuuti Mr. Xasan Maxamed Maal, waxaana uu sharaxay faa’idada tababarkani u leeyahay garsoorayaasha iyo tababarayaasha kubadda cagta Somaliland maadaama ay casharada bixinayaan khubaro ka tirsan xidhiidhada kubadda cagta FIFA iyo CAF waxaana uu kula dar-daarmay xubnihii loo xidhay tababarka inay ka faa’ideystaan kuna dabaqaan shaqadooda, waxaana uu hoosta ka xariiqay in la xoojin doono xidhiidhka dhanka ciyaaraha ee ka dhaxeeya labada wadan.

Agaasimaha guud ee wasaaradda dhallinyarada, ciyaaraha iyo dalxiiska Md. Maxamed Xuseen Dhabeeye ayaa ku dheeraaday tababarkan iyo faa’iidada laga dhaxli karo, waxaana uu ku tilmaamay aqoontii laga bartay tababarkan in lagaga bixi doono cabashadii badnayd ee dhanka garsoorka iyo tababaraasha laga qabay.

12(183)

 

“Waxaanu aad iyo aad ugu faraxsanahay in maanta hawshan muhiimka ah ee tababarkan kor loogu qaaday aqoonta iyo xirfadda garsoorayaasha iyo tababarayaasha Somaliland aynu uga mahad-celino madaxda ka socota dalka aynu walaalaha nahay ee Jabuuti ee xidhiidhka kubada cagta ee uu hogaaminayo Xoghayaha guud xidhiidhka Jabuuti iyo xubnaha kale ee la socda, tababarkani waa kii ugu horeeyay ee noocan ah ee loo qabto garsoorayaasha iyo macalimiinta kubadda cagta dalkeena, waxaynu ognahay dhanka garsoorka kubadda cagta inay ka jirto cabasho xoogan oo mararka qaar dhalliilo xoogan loogu soo jeediyo wasaaradda, laakiin maanta waxaad markhaati ka tihiin inaan diyaar u nahay inaan saxno waxkasta oo dhib ku keeni kara kubadda cagta iyo ciyaarahaba. Ciyaarihii gobollada ee ugu dambeeyay si xoog ah ayaa looga cabanayey garsoorka laakiin waxaan ku rajo weynahay hadda laga bilaabo inaan laga caban doonin garsoor dambe oo tababarkani uu dawo ka noqon doono” ayuu yidhi Agaasimaha guud.

14(127)

Waxaa uu hadalkiisi ku daray “Waxaa tababarkan ka xumaaday xidhiidhka kubadda cagta wadanka Soomaaliya oo cadaadis saaray xidhiidhka Jabuuti, laakiin waxay malaha hilmaamsan yihiin inaynu nahay dal Somaliland la yidhaahdo oo horumar gaadhay waanan ka xumahay inay sidaas u fikiraan. Jabuuti waa dal aynu walaalo nahay waanan uga mahad-naqayaa taageero kasta oo ay noo fidiyaan, waxaanan rajaynayaa in tababaro kale ay xidhiidhka kubadda cagta Jabuuti ay bixin doonaan. Garsoorayaasha iyo macalimiinta dhamaystay tababarkana waxaan ugu baaqaya inay dedaal la yimaadaan oo aqoonta ay tababarkan ka heleena ay ka muuqato, waxaan sidoo kale aan u mahad-naqayaa cidkasta oo nagala qeyb-qaadatay tababarkan” ayuu yidhi Agaasime Dhabeeye.

9(224)

 

Masuuliyiintii kale ee ka qeyb-galay xidhitaanka tababarkan ayaa wasaaradda ciyaaraha iyo xidhiidhada kubadda cagta Somaliland iyo Jabuuti uga mahad-celiyay tababarkan, sidoo kale uga baaqay ka qeyb-galayaasha inay ka faa’ideeyaan aqoonta ay barteen. Ugu dambeyntii waxaa halkaasi ka hadlay tababarkiina u xidhay Wasiirka wasaaradda dhallinyarada, ciyaaraha iyo dalxiiska Somaliland Md. Axmed Cabdi Kaahin, waxaana uu shahaadooyin guddoonsiiyey garsoorayaasha iyo tababareyaasha kubadda cagta Somaliland tababarkan qaatay. Waxaana sidoo kale wasiir Axmed Cabdi Kaahin isaguna dhankiisa uga mahad-celiyay xidhiidhka kubadda cagta Jabuuti iyo cid kasta oo qeyb ka qaadatay tababarkan muhiimka ah, waxaana uu xusay inay xukuumaddani ay muhiimada koowaad siisay horumarinta ciyaaraha iyo dhallinyarada.

10(229)

 

Gaba-gabadiina waxaana masuuliyiinta wasaaradda ciyaaruhu ay abaal-marino sharafeed ay guddoonsiiyeen xidhiidhka kubadda cagta Jabuuti iyo macalimiintii heerka caalami ee casharada kala duwan ee tababarka bixinayey.

 

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here