Xukuno Lagu Riday Rag Dil Ka Geystay Laascaanood 

0
1012

Laascaanood (Hargeisa Press) – Lix nin oo loo haystey in ay dileen laba nin ayaa lagu ridey xukuno kala duwan magaalada Saaxdheer ee gobolka Sool.

Nimankan la xukumay oo qaarkood dhowaan lagala baxsaday magaalada Laascaanood ayaa dhaliyey khilaaf la xidhiidha dhinaca ciidamada maadaama ay ka tirsanaayeen ciidanka Booliska.

Wadahadal labada dhinaca galabta yeesheen ayaa la cafiyey kuwii falka geystey waxaana bedelkooda lagu xukumay 200 00 halaad iyo laba gabdhood oo godob reeb ah, waxaana wararku sheegayaan in dhinacyadii kiis kaasi ka dhexeeyey ay isku marxabeeyeen qanacsanaan xukunka.

Si kastaba ha ahaatee waxaa Saaxdheer ku soo gabgboobey shaki colaadeed kaas oo sida ay ku soo dhamaatay ay dadku la dhacsanaayeen halkii maalmo yar ka hor u muuqatey mid khatar ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here