Hargaysa (HP): Wasiirka wasaaradda beeraha Somaliland Eng. C/qaadir Iimaan Warsame, ayaa bulshadda u diray digniin ku aadan roobab mahiigaana in ay da’aan.
Wasiirka oo maanta u waramay wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa dadka xoolo dhaqato beeraleyda ah ugu baaqay inay ka durkaan meelaha biyo mareenada ah.
Waxaanu wasiirku intaas raaciyey inay roobabku u badnaayeen gobollada galbeedka Somaliland, inkastoo ay roobab fiiacni ka da’een gobollada bariga.
Cabdiqaadir Iimaan Warsame, waxa kale oo uu sheegay in filayo inay todobaadkan ay roobab laxaad leh ka da’i donaan gobolka Sanaag sida ay saadaasha hawadu sheegayso.
Geesta kale wasiirka beeraha ayaa dhanka kale sheegay inay dadka beeraleyda ah siinayaan 40,000 ilaa 45,000, oo saacado qodaala gaar ahaana dadka danyarta ah ee aan beerahooda qodan kareyn, kuwaas oo ah ilaa 11,000 oo qoys.
Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.