Somaliland ayaa markabkaasi xanibaad kusoo rogtay xili uu kusoo xidhay dekedaasi, iyada oo aan si cad usoo bandhigin sababta rasmiga ah ee ka dambeysa xanibaad lagu soo rogay.
Sida ay ogaatay Warbaahinta Hargeisapress, markabkaasi ayaa muddadii uu ku sugnaa dekedda Berbera waxa la dajiyay maraakiib kale oo siday shidaal, midaasi oo meesha ka saareysa in Haamaha keydka shidaalka ee dekeddu ay buuxaan ama xukuumada ay soo rogtay awaamiir ka dhan ah Shidaalka oo aan la shaacin.
Ilo xogagaal ah oo ku dhow Ganacsatada uu ka xaniban-yahay markabkaasi ayaa oo xaqiijiyey in sababta loo haysto u aaneynayaan mid qabyaaladeed, halka ay ku sheegen in Maraakiib kale oo rag ay isku beel yihiin Madaxweyne Muuse Biixi loo ogolaaday inay shidaalkoodii ka rogtan, halka markabkoodu uu weli xayiran yahay.
Talaabadan lagu xanibay markabkaasi shidaalka ah ayaa la rumeysan yahay inuu horseedi karo hurinta colaado dheeraad ah oo khal-khal gelin karta Somaliland, xili dhawaan ay Jabhad cusub ka abuurmatay bariga gobolka Sanaag, midaasi oo kasoo horjeeday talaabo ay xukuumadu kaga laabatay heshiis ay hore u gashay, kaasi oo ay dib ugula soo laabaneysay huteelka Hargeysa Club.
Ilaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay xukuumada madaxweyne Biixi oo ku aadan xanibaada markabkaasi, xili aan wax xayiraada lagu soo rogin shidaalka soo galaya Somaliland, isla markaana ayna buuxsamin haamihii keydka shidaalka ee dekeddu.
Hargeisapress Desk