“Waa xaaraan in uu madaxweynaheenu isla sawirro wasiirrada federaalka Soomaaliya”…Ramaax

0
771

Berbera (Hargeisa Press.com): Xoghayaha arrimaha gudaha ee xisbiga mucaaradka ah ee UCID ayaa wax aad looga xumaado ku tilmaamay sawirkii uu madaxweynaha Somaliland dalka Sucuudiga kula soo galay wasiirro ka tirsan dawladda Soomaaliya.

Maxamuud Cali Salabeen (Ramaax), waxa uu sheegay in ay xisbi ahaan canbaaraynayaan sawirkaasi uu madaxweyne Muuse Biixi la galay wasiirrada Soomaaliya, taasoo uu ku tilmaamay in ahayd tallaabo xaaraan ah iyo wax  aan u qalmin Somaliland.

Xoghayaha arrimaha gudaha ee xisbiga UCID oo maanta Star TV kula hadlay Berbera ayaa madaxweyne Biixi ka codsaday in uu arrintaasi raali gelin ka siiyo ummada Somaliland.

Sidoo kale xogahaye Ramaax,  ayaa xusay in uu khiyaamo u arko diyaaradii gaarka ahayd ee dawladda Sucuudigu u soo dirtay madaxweynaha Somaliland markii uu tegayay Xajka.

Halkan Ka Daawo Ramaax Oo Arrimahaas iyo Waxyaabo Kale-ba Ka Hadlaya:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY