Sannad-guuradii 35aad Ee Aas- aaska Ururka ONLF oo Maanta Laga Xusay Jigjiga

0
751

Jigjiga (Hargeissa Press)- Waxaa maanta magaalada Jigjiga lagu xusay sannad guuradii 35aad ee Aas-aaska Ururka ONLF, xuskan ayaa lagu qabtay hoolka shirarka ee Sayid Maxamed Cabdille Xasan ee magaalada Jigjiga.

Xuskan ayaa waxaa kasoo qayb galay Madaxda ONLF, Madaxda u saraysa DDS, Odayaal dhaqameedka iyo waxgaradka degaanka iyo Shacabka qaybihiisa kale duwan.
Xuskan ayaa waxaa khudbado kasoo jeediyay Madaxda Ururka ONLF, iyagoo sheegay in halgankii uu Ururku soo waday ee qoriga ahaa ku badaleen mid qalin ah halkiisiina uu kasii socon doono iyagoo si nabadgalyo ah u wadaya halganka.
ONLF ayaa muddo dheer u soo dagaallamayay Xoreynta dhulka Soomaalidu degto ee bariga Itoobiya, oo ay rabeen in Itoobiyada kale ka go’aan. waxayna hadda kadib u halgami doonaan qaab Xisbi oo gali doona doorashada soo socota. waxayna Xafiisyo ka furteen dhammaan gobollada degaanka iyo caasimadda dalka ee Addis Ababa.
Ururka ONLF oo lagu xanto inay hal qabiil u badan yihiin ayaa hadana waxay u halgamaan guud ahaan dadka Degaanka Soomaalida deggan.
Xuskan 35aad ee Aas-aaska ONLF ayaa maanta laga wada xusay gobollada degaanka iyo dibadda oo ay joogaan taageerayaasha ONLF.

https://youtu.be/ZbkKwRM3SyE

WARIYE: XAMSE JIRDE

HARGEISA PRESS.COM

OFFICE HARGEISA

LEAVE A REPLY