Xisbiga Waddani oo Maayirka Hargeysa Ku Eedeeyay In Uu Samaystay Shirkad Uu Dadka Canshuur Been Ah Kaga Qaado

0
1900

Hargeisa (Hargeisa Press) — Xoghayaha arrimaha Gudaha ee Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa Maayirka Hargeysa iyo muwaadiniin qurbo joog ah ku eedeeyay inay Somaliland ka samaysteen shirkad lagu magacaabo GEOSOL.

Maxamed Sidiiq Dhame, Xoghayaha arimaha Gudaha ee Xisbiga Waddani oo maanta warbaahinta la hadley, ayaa sheegay in Maayirka iyo shaqsiyaadkaasi ay dadka sifo sharci daro ah uga uruursadaan lacago ay ku sheegaan Canshuur.

Wuxuu sheegay in labadii sano ee ay jirtay Shirkadani ay samaysay lacag ka badan 10 Milyan oo doollar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here