Xisbiga UCID oo munaasibad soo-dhawayna u qabtay Dalladda Han iyo Hiil

0
606

Hargeysa (Hargeisa Press)- Xisbiga mucaaradka ah ee UCID, ayaa maanta waxaa uu xaflad balaadhan ku soo dhaweeyay Dalladda Han iyo Hiil.

Munaasibad ballaadhan ee uu xisbiga mucaaradka ah ee UCID ku soo dhaweynayay Dallada Han iyo Hiil, ayaa ka dhacday magaalada Hargeysa.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe iyo madaxda kala duwan ee xisbiga, ayaa ka qayb galay munaasibada xisbigu ku soo dhawaynayay Dallada Han iyo Hiil.

Guddoomiye Faysal oo hadal ka jeediyay munaasibada, ayaa si weyn u soo dhaweeyay Dalladda Han iyo Hiil, isagoona sheegay in uu ku faraxsan yahay taaageerada ay dalladu u muujisay xisbiga UCID.

Waxaa kale oo munaasibada hadalo ka jeediyay hoggaanka Dalladda Han iyo Hiil, iyagoona soo bandhigay asbaabaha ku kallifay inay ku biiraan xisbiga UCID, waxana ay caddeeyeen inay ku qanceen ku biirista xisbiga, isla-markaana ay codkooda iyo cududdoodana la garab geli doonaan.

Hoos ka daawo muuqaalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here