Xisbiga UCID oo Dowladda Ingiriiska Hor-dhigay Xadhig Loo Geystay Murashixiin Xisbiga Ka Tirsan

0
1401
Xisbiga UCID iyo Safiirka Ingriiska
Xisbiga UCID iyo Safiirka Ingriiska

Hargeisa (Hargeisa Press) – Hoggaanka Sare ee Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, ayaa maanta kulan magaalada Hargeysa kula qaatay Safiirka Dowladda Boqortooyada Ingiriiska u qaabilsan Somaliland iyo Somalia Danjire Kate Foster oo socdaal ku timi dalka.

Kulankan oo goob-joog ka ahaayeen Guddoomiye Faysal Cali Waraabe, Prof Axmed Cabdi Muuse Abyan oo ay weheliyaan masuuliyiinta sare-sare ee Xisbiga halka safiirka dowladda Ingiriiska ay ku wehelinayeen masuuliyiin sar-sare oo ka tirsan Safaaradda Dalkaas, waxaana kulanka lagaga hadlay Arrimaha Doorashooyinka isku-sidkan ee goleyaasha deegaanka iyo Wakiillada ee Somaliland oo dalka ka qabsoomi doona 31-ka bsihan May.

Waxa ay masuuliyiinta Xisbiga UCID kala hadleen safiirka Ingiriiska xadhig loo geystay xubno ka tirsan murashaxiinta Xisbiga u metelaya doorashada, sida uu sheegay Murashax Axmed Cabdi Muuse Abyan oo ka warbixiyey arrimaha lagaga hadlay kulanka madaxda Xisbigu la qaateen Safiirka Ingiriiska.

“Waxaanu Kulan Xasaasiya Oo aan Kaga Hadlaynay Arrimaha Doorashooyinka Isku Sidkan ee Golayaasha Wakiilada Iyo Deegaanka ee Dhowaan Ka Dhici doona Dalka La Qaadanay Safiiradda Dalka Ingiriiska Uqaabilsan Arimaha Somalia iyo Somaliland Kate Foster iyo Masuuliyiin kale Oo Ka socday boqortooyada Dalka Britain Oo Xisbi Ahaan Aanu Si Gaara Ugu Soo Dhoweynay Magaalada Hargaysa,” Sidaas waxa bartiisa Facebook ku qoray Murashax Axmed Cabdi Abyan oo ka tirsan masuuliyiinta saresare ee UCID isla markaana u sharraxan Doorashada Golaha Wakiillada.

Murashaxii hore ee madaxweyne ku-xigeenka Xisbiga UCID Prof. Axmed Cabdi Abyan waxa kale oo uu sheegay arrimo khuseeya arrimaha xisbiga oo ay kala hadleen safiirka Ingiriiska.

“Sidoo kale Waxaan Ka wada hadalay Safiiradda & Masuuliyiinta Kale ee ay safarka ku hogaaminasay Xadhiga Iyo beegsiga Murashaxiinta xisbiyada mucaaradka ah, gaar Ahaan labada xildhibaan ee ka Soo jeeda Gobolka Sool, Xildhibaanka la xidhay iyo gabadha keliya ee Sool Golaha wakiikada uga sharaxan oo iyana lagu Daba jiro arintaasi oo meel fiican noo maraysa”. Sidaas ayuu yidhi Murashax Prof Abyan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here