Midowga Yurub oo Ku Baaqay In Ciidamadda Militeriga Laga Saaro Muqdisho

0
824

Muqdisho (Hargeisa Press) – Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Nocolas Berlanga ayaa ku baaqay in ciidamada Militeriga laga saaro magaalada Muqdisho, oo ay ku wada sugan yihiin ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Mucaaradka.

Safiirka ayaa qoraal uu ku daabacay bartiisa twitter-ka ku sheegay in magaaladda Muqdisho oo lagu kala qeybiyo maleeshiyo ama ciidamo amni oo ka baxsan khadka taliska ayna caawineyn shacabka Soomaaliya.

Berlanga ayaa ku baaqay in cid kasta oo doonaysa in kaalin togan ka qaadato doorashooyinka Soomaaliya ay ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble ku taageerto shaqooyinkiisa muhiimka ah.

Magaaladda Muqdisho ayaa waxaa Axaddii 25-ka April soo galay ciidamo ka tirsan militeriga Soomaaliya oo sheegay inay diidan yihiin muddo kordhintii uu sameeyey Golaha Shacabka Soomaaliya, kuwaas oo kadib ay dagaalameen ciidanka kale ee dowladda.

Inkasta oo Golaha Shacabka Soomaaliya uu ka laabtay muddo kordhinta, islamarkaana ra’iisal wasaaraha Soomaaliya uu ku baaqay in ciidanka ay ka baxaan Muqdisho kuna noqdaan xeryahooda, haddana weli ciidamada labada dhinac ayaa ku wada sugan gudaha Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here