Xisbiga UCID oo Cadeeyay Mowqif-kiisa Guddiga Dhex-dhexaadinta

0
1188

Hargeysa (Hargeisa Press) – Xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID, ayaa soo dhaweeyay taladii ay soo jeediyeen guddiga ganacsatada ah ee isku xilqaantay xal u helista khilaafka doorashooyinka Somaliland.

Guddoomiyaha xisbiga Faysal Cali Waraabe, ayaa bulshada noocyadeeda kala duwan ugu baaqay in ay taageeraan talada ay soo jeediyeen guddiga ganacsatu ee ah “in laysa saaro doorashooyinka madaxtooyada iyo urrurada siyaasada ee Somaliland”.

Faysal Cali Waraabe, ayaa dhanka kale ugu baaqay golayaasha sharci dajinta in ay meel mariyaan soojeedinta guddida, xili uu ka cabsi qabo in xildhibaanada qaar oo taageero u haya urrurada cusubi, ay ka maagaan meel marinta soojeedintan.

Faysal Cali Waraabe, ayaa sidoo kale Madaxweynaha ugu baaqay in uu taageero u muujiyo soo jeedinta guddidga. “Madaxweynaha waxan leeyahay guul taasaa kugu danbayse, jaaniiska ka faa’iidayso guruub kaaga amar ku sii, in ay bahalkaa sii daayaan”.

Si kastaba, Xukuumada Somaliland iyo xisbiga Waddani, ayaan weli caddayn mowqif kooda ku aadan soo jeedinta guddida, lakin qaar kamid ah urrurada cusub oo uu ugu horeeyo urrurka Horseed ayaa kasoo horjeestay soojeedinta guddida.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here