Somaliland oo Shidaal La Soo Baxaysa Sannadka Dambe

0
1748

Hargeysa (Hargeisa Press) – Dedaal muddo soo socday oo ay Xukuumadda Somaliland wadday islamarkaana ay ka shaqaynaysay Shirkada sahaminta shidaalka ee Genel Energy, ayaa hadda u dhow midho dhal iyo in sannadka dambe ee soo socda laga so saaro Somaliland islamarkaana laga qodo ceelka shidaalkii ugu horreeyay.

Saraakiil khubaro ah oo ka socota shirkadda Genel Energy Somaliland oo kulan la yeeshay madaxda Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland, ayaa la wadaagay qorsheyaasha hawleed ee ay shirkaddu diyaarisay ee la xidhiidha qodaalka shidaalka.

Qorshayaasha waxqabad ee ay shirkaddu soo bandhigtay ee ka horreeya qodista ceel shidaalkii koowaad ee taariikhda laga qodo dalka ayey qeyb ka ahaayeen xaga fayo-qabka, caafimaadka iyo dhawridda deegaanka, dhinaca hab-raacyada sharci ee ku waajahan adeegyada, iibka iyo qandaraasyada.

Kulanka labada dhinac, ayaa sidoo kale lagaga wadahadlay qorshayaasha la xidhiidha arrimaha ammaanka, wacyigelinta iyo kaabayaasha sahlaya qodista ceelka.

Wada xaajoodka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland iyo shirkadda Genel Energy oo qaatay muddo laba maalmood ah, ayaa qeyb ka ah kulamo iyo bandhigyo is dabajoog ah oo labada dhinac ugu diyaargaroobayeen sidii hannaanka ugu wanaagsan ee dhinaca farsamo iyo dhinacyada shuruuc loogu diyaarin lahaa qoditaanka ceelkii shidaalka ugu horeeyey ee ka hirgala dalka Jamhuuriyadda Somaliland muddo.

32 sannadood ka dib markii ay madaxbanaanideeda kala soo noqotay dalkii Soomaaliya la isku odhan jiray.

Dhinaca kale, bulshada iyo xukuumadda oo si weyn u xiisaynayey inay arkaan soo saarista kheyraadka dalka, ayaa looga baahan yahay inay dhinac uga soo wada jeestaan illaalinta nabadgelyada dalkooda, maadaama bilowga hawlaha shidaalku leeyahiin cadow badan oo gudo iyo dibed-ba isku daya inay caqabad ku noqdaan sidii dhinacyada ku hawlan qoditaanka ay si habsami ah ugu bilaabi lahaayeen shaqadooda.

LEAVE A REPLY