Hargaysa (HP): Wasaaradda caafimaadka Somaliland ayaa magaaladda Hargaysa ku soo gebagabeeyay tababar loo qabtay xirfadleyaal caafimaad oo ka kala socday dhamaanba goboladda dalka.
Tababarkaasi oo socday muddo laba iyo toban maalmood ah ayaa la xidhiidhay Maaraynta dadka qaba xanuunka Duumada.
Waxaana mudadii uu socday tababarkaasi shaqaalaha caafimaadka ee ka soo qayb galay lagu tababaray sidii loo maarayn lahaa dadka qaba xanuunka Duumada.
Tababarkaasi ayaa loo arkaa inuu wax-weyn ka tari doono la dagaalanka iyo maaraynta xanuunka Duumada.
Xubnaha xirfadleyaasha caafimaadka ee tababarkaasi la siinayay ayaa xidhitaanka tababarkaasi waxaa lagu guddoonsiiyay shahaadooyin la xidhiidha aqoonta ay barteen ee maaraynta xanuunka Duumadda.
HALKAN KA DAAWO HADALADII LAGA JEEDIYAY XIDHITAANKA TABABARKAASI:
Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.