Gunnaanadka Bandhigii 16aad Ee Buuggaagta Hargeysa iyo Dhacdooyinka Sannadkan

0
616

Hargeysa (Hargeisa Press)- Bandhigga Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa oo lixdii Maalmood ee u dambeeyay ka socotay Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa, ayaa si rasmi ah loo soo gunnaanaday, kaddib toddobaad uu ka socday halkaa.

Bandhigga sannadkan, ayaa ahaa kii 16-aad ee si xidhiidh loogu qabto Hargeysa, waxaana sannadkan  si rasmi ah marti ugu ahaa dalka Morocco, waxaana Hal-ku-dheg loo qaatay “Adkaysi”,  sidoo kale,  sannadkan waxa kasoo qaybgalay 51 qof oo ka kala socday ilaa 14 dal oo dunida ah.

Intii uu socday Bandhigga Caalamiga ah 22-kii ilaa 27-ka July 2023, waxa lagu soo bandhigay in ka baddan 1,800 Buug, sidoo kale waxa lagu qabtay illaa 36 dood Cilmiyeed oo mawduucyo kala duwan ah, kuwaas oo qaarkood ficil ahaan loo soo bandhigay.

 

Guddoomiyaha Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa Dr. Jaamac Muuse Jaamac, ayaa xadhitaankii Bandhigga 16aad hadal ka jeediyay kaga waramay qaabka ay sannadkan u qabsoontay munnaasibada Carwada,  isla markaana ka warramay lixdii  Maalmood ee Bandhiggu socday waxyaabihii ugu muhiimsanaa ee qabsoomay.

“Bandhigga Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa kalkeedii 16-aad, waxa innoo yimi 51 Qof oo ka socday 14 Dal oo marti innoo ahaa, mawduucuna wuxuu ahaa ‘Adkaysi’ayuu yidhi.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in Carwada sannadkan la keenay 1800 Buug iyo 4 Buug oo cusub oo kala kaan kaan ah, waxa halkan ka qabsoomay 36 Baanal (dood-cilmiyeed) oo dadku doodahooda ku soo bandhigeen, waxa lagu soo bandhigay lafo-gurka 40 Buug oo ka mid ah 1,804 Buug oo lagu soo bandhigay.

Waxa Masraxyada Hargeysa, Laasgeel, Gabiley iyo meelihii kale ee wax lagu qabtay soo fuulay 304 qof oo mid walba uu innoo sheegay Mawduuciisa, markaa wuxuu ahaa Bandhiggii ugu cuslaa ee 16-kaa Bandhig ee innoo soo qabsoomay, kaas oo innoo dhamaaday.” Sidaa ayuu yidhi Jaamac Muuse Jaamac.

Sidoo kale, waxa uu sheegay tirada Buugaagta la iibsaday guud ahaan iyo saddexdii Buug ee ugu iibka badnaa intii Bandhigga 16aad socday, waxaanu yidhi; “Buugaagta la iibsaday waa 1,285 Buug. Nasiib-darro way ka yar yihiin Buugaagtii la iibsaday Sannadkii hore, sababtu waa dhaqaalaha dalka oo hoos u dhacay iyo in Buugaag magaalada lagu qaybiyo.”

“Buugga loogu iibsi badnaa wuxuu ahaa Buugga la yidhaahdo ‘Waa Iska Waayo Adduunku’ oo uu qoray Axmed Yaasiin, Buugga ku xiga ee loogu iibsiga badnaa waa ‘Aanadii Nageeye’ oo uu qoray Ibraahim Yuusuf Axmed (Hawd), Buugga 3-aad waa ‘Weerane’ oo uu qoray Maxamed Baaruud Cali,” ayuu yidhi Dr Jaamac Muuse.

Guddoomiyaha Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa, wuxuu u Mahad-naqay hawl-wadeennada Xarunta Dhaqanka, Ciidammada amniga iyo Martida Ajaanibka ah ee Bandhiggan ka soo qayb-galay, “Waxaan u Mahad-naqayaa Hawl-wadeennada Xarunta Dhaqanka oo saddexdii bilood ee u dambeeyay taagnaa, la’aantoodna aanay hawshani innoo hirgasheen.

Waxaan u Mahad-naqayaa Ciidammada Qaranka, afartii Maalmood ee u dambeeyay waxaynu Magaalada saarnay culays aad u weyn, Waddooyinku way kala xidhmayeen, Boolisku subaxdii illaa Habeenkii way nala joogayeen, waan u Mahad-naqayaa Ciidanka, gaar ahaan Madaxdooda oo halkan innala joogay,” ayuu yidhi Jaamac Muuse Jaamac, isagoo intaas ku daray, “Waxa kale oo aan si gaar ah ugu Mahad-naqayaa dadka 51-ka ah ee Martida inoo ahaa, waayo? In la inna soo sharfay oo la innoo yimaado waa aaminaad”.

Xafladda xidhitaanka Bandhigga Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa ee 16-aad oo martigelisay Caways Suugaaneed ay ku sagootiyeen  illaa Kun iyo dhawr boqol oo Qof oo ka soo qayb-galay, waxa la keenay noocyada qalabka danana ee Muusiga iyo Fannaaniinta Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland, kuwaas oo kala ah Sahra-ileys, Juweeriya-janno, Khadar Fiyoore oo si toos ah u heesayey. Sidoo kale, Fannaaniinta kala ah Cabdikariin Cali Shaah iyo Fannaanka reer Djibouti ee Yaxye Cabduqaadir Cismaan oo isagu ka mid ahaa Martida Reer Djibouti  ee Bandhigga ka soo qayb-galay, waxay qaadeen  Heeso isugu jira Qaraami, kuwii dhexe iyo kuwii dambe,  iyagoo si  qurux baddan u maaweeliyay ka qaybgalayaasha,  waxayna qaadeen  Heeso Jacayl ah, kuwo Waddani ah iyo dhaqan.

Kooxda Ciyaaraha Hiddaha iyo Dhaqanka caanka ku ah ee Halkar Academy oo barnaamijka qayb ka ahaa, ayaa soo bandhigay Ciyaaraha Hiddaha iyo Dhaqanka oo aad loo jeclaystay markii ay Dhallinyarada Kooxda jaanta iyo jiibta isla helaan, kuwaas oo dadka daawanayay dareenkooda soo jiitay.

Waxaa xusid mudan in Wufuudda caalamka ee Bandhigga 16aad ee Buugaagta ee Hargeysa ka soo qayb-galay ay Shaqaalaha Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa iyo Dhallinyarada gobollada dalka ka kala yimi ee sida tabarruca ah uga shaqaynayey Bandhigga ay ka mabsuudeen qaabka ay u shaqaynayeen, isla markaana ay Shahaado-sharaf ku maamuuseen. Waxa sidoo kale halkaa Shahaado-sharaf iyo abaal-marin lagu maamuusay Guddoomiye Jaamac Muuse Jaamac iyo Hawlwadeennada Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa.

May be an image of 4 people, dais and text

May be an image of 3 people, dais and text

May be an image of 3 people and text

May be an image of 6 people, people dancing and textMay be an image of 4 people and text that says '123 2023 ural Centre presents th 16 Theme of Resilience Guest Country HARGEYSA INTERNATIONAL BOC FAIR JOAr geysabookfair.co IDK'GG'May be an image of 3 people, headscarf and crowd

May be an image of 5 people

May be an image of 3 people and text

May be an image of 5 people, people smiling, headscarf, dais and text

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here