Xildhibaannada Baarlamaanka Ingiriiska oo sheegay in Somaliland istaahisho aqoonsi caalami ah

0
1851

London (Hargeisa Press)- Xildhibaan Kim Johnson oo ka tirsan Baarlamaanka Ingiriiska, ayaa sheegtay in Somaliland istaahisho aqoonsi caalamiya oo ay ku mutaysatay nabadda iyo dawladnimada shaqeynaysa ee ay ka hirgelisay dalkeeda.

Kim Johnson waxa ay sidaasi ku sheegtay hadal ay ka jeedisay xaflad loogu dabaal-degayey 34 guurada ka soo wareegtay dib ula soo noqoshada madaxbannaanida Somaliland oo lagu qabtay aqalka westminister ee baarlamaanka UK.

Waxaanay ballanqaaday inay taageerayso qaddiyadda qarannimada Somaliland iyo sidii kor loogu sii qaadi lahaa iskaashiga soo jireenka ah ee u dhexeeya UK iyo Somaliland.

Xildhibaan Johnson waxa ay tafaasiil ka bixisay dimuqraaddiyadda, doorashoyinka xorta ah iyo dawladnimada shaqeynaysa ee Jamhuuriyadda Somaliland ay ka samaysay gobol caqabado badani ku xeeran yihiin.

Waxa kaloo ay ku boorisay caalamka inay Somaliland ku aqoonsadaan kaalinta togan ee ay had iyo jeer ka gaysato xasiloonida mandaqada Geeska Afrika.

Xildhibaan Johnson waxa ay caddaysay inay ka shaqeyn doonaan sidii kor loogu sii qaadi lahaa iskaashiga siyaasaddeed iyo ganacsi ee ka dhexeeya Somaliland iyo Ingiriiska.

Sidoo kalena, waxa ay ku bogaadisay muwaadiniinta reer Somaliland sannad guurada 34aad ee dib ula soo noqoshada madaxbannaanideeda ee dhawaan loo debaal degay. Waxaanay majeeratay horusocodka laamaha dawladda iyo amniga ay Somaliland ku dedaashay tan iyo 1991kii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here