Xildhibaan Kasoo Jeeda Gobolka Sanaag oo Hal Arrin Uga-Digay Shacabka Ceerigaabo

0
2464

Hargeysa (Hargeisa Press)- Xildhibaan Khadar Cali Xasan oo ka tirsan Xildhibaanada golaha Wakiillada Somaliland ee laga soo doortay gobolka Sanaag, ayaa waxaa uu si adag uga hadlay rabshado ka dhacay magaalada Ceerigaabo.

Xildhibaanka oo qoraal ku baahiyay bogiisa Facebook-ga, ayaa ka sheegay in la buun-buuniyo denbiyada ka dhaca gobolka Sanaag.

Waxaanu Xildhibaanku uga digay dadka ku nool Gobolka Sanaag inay iska ilaaliyaan oo ay ka fogaadaan buunbuuninta denbiyada ka dhaca gobolka.

Xildhibaan Khadar Cali Hakiim, ayaa sidoo kale sheegay in dadka wada dega gobolka Sanaag ay yihiin dad is jecel oo aad u nabad jecel, isla markaana uu gobolku nabad yahay.

Wuxuu tilmaamay in dhibaatooyinka ka dhaca gobolka in marka la buunbuuniyo ay soo faro geliyaan gacmo shisheeye, kuwaas oo xaaladda uga sii dara.

Hoos ka akhriso qoraalka Xildhibaanka.

“Digniin; Dadka ku nool G. Sanaag ha iska ilaaliyaan buunbuuninta Denbiyada ka dhaca Gobolka.

Marka la eego Denbiyada ka dhaca Gobolku kama badna kuwa ka dhaca Gobolada Kale laakiin waxay dheeryihiin oo qudha buunbuuninta.

Dhacdada ka dhacda Gobolka markaba waxa lagu baahiyaa baraha Bulshada, waxa laysugu sheegaa telefoono aad u badan waxana la muujiyaa dhiilo aad u daran.

Dadka Gobolka kuwada dhaqan waa dad is jecel oo aad u nabad jecel, laakiin marka la buunbuuniyo ayay dhacdaa inay soo faro geliyaan gacmo fogfog kuwaas oo Xaaladda uga sii dara.Gobolka Sanaag waa Nabad.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here