Xildhibaan ka Tirsana Golaha Guurtida oo ku geeriyooday Hargeysa

0
825
Labada gale

Hargeysa, (HargeisaPress) —Alle ha naxariistee waxa magaalada Hargeysa ku geeriyooday Xildhibaan, Sheekh Khaliif Sh. Xasan Gudaal, oo kamid ahaa Golaha guurtida tan iyo markii la aasaasay golahaas.

Geerida Marxuumka ayaa la xaqiijiyey caawa niskii hore, iyadoo uu u geeriyooday xanuun uu muddo u jiifay.

 

Madaxweynaha Somaliland, Shirguddoonka labada Golle baarlamaan  iyo hogaamiyeyaasha Asxaabta Qaranka, ayaa dhambaalo tacsi u diray ehelkii iyo asxaabtii uu ka baxay Marxuumku, iyagoo shacbiga guud ahaana ka tacsiyadeeyey.

 

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye, ahna murrashaxa Madaxweyne ee Xisbigaas oo kamid ahaa dadka aqoonta u leh marxuumka ayaa qoraal tacsi ah oo uu saaray waxa uu kaga waramay doorkii uu marxuumku ku lahaa dib u dhiska iyo nabadeynta dalka.

 

“Sheekh Khaliif Sh. Xasan Gudaal oo ka mid ahaa xildhibaannada Golaha Guurtida Somaliland ee ugu muddada dheeraa, waxa uu ahaa oday miisaan wayn ku lahaa Somaliland oo ku suntanaa hormoodka odayaashii salka u dhigay nabadda iyo dawladnimadeeda, isagoo ka mid ahaa xeer-beegtidii soo hoggaamisay talada dhammaan shirarkii nabadaynta beelaha Somaliland, waxa kaloo uu kaalin muuqata oo lama ilaawaan ah ka soo qaatay halgankii dib-u-xoraynta dalka.”ayaa lagu yidhi Qoraalka oo ka soo baxay Xafiiska Warbaahinta ee Xisbiga Kulmiye.

 

Guddoomiye Muuse Biixi waxa uu ku tilmaamay Marxuum Sheekh Khaliif tiir culus oo ka baxay Somaliland oo la tabi doono shacab iyo dawladba.

 

Ugu dambayntii, waxa uu Marxuumka uga baryey Alle inuu jannadiisa Fardowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada, ehelada iyo guud ahaan shacabkana inuu samir iyo iimaan innaga siiyo Marxuumka. Aamiin….Aamiin….Aamiin.

 

INAA LILAAHI WA INAA  LILAAHI  RAAJUCUUN

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here