Hargeysa, (HargeisaPress) —Xildhibaan Ismaaciil Cagayare Oo Khadka telefoonka Caawa nagula soo Xidhiidhay Isagoo ku Sugan Magaalada Hargaysa ayaa Si Adag Uga Hadlay Dhaawaca loo gaystay Aqoonyahan Jaamac Cilmi Siciid oo Maalintii Shalay ay Koox Dablay Hubaysani ku Dhaawacday isla Markaana Jidhdil ugu Gaysatay Hotelka Xaraf ee Hargaysa
Xildhibaanku Waxaa uu Ka codsaday Ciidamada Amaanka Inay Si degdeg ah Gacanta ugu soo dhigaan Nimankii Dhaawacay Ninkaasi oo uu Hogaaminayay Maamulaha Wargayska Somalilandtoday Muniir Axmed Cigaal Kaasi oo Inta la xidhay Misana La sheegay in Siyaasi Xirsi Cali Xaaji Xasan Damiin Ku sii Daayay Waxaana uu Yidhi Isagoo Arintaasi Ka Hadlaya.
“Waxaan leeyahay Cidii Falkaas Xun kusoo Weerartay ee Dhaawacday Aqoonyahan Jaamac Jiir Maaha Inay Intay Disho Misana suuqa iska Tamashlayso,Waana mid sababi karta isku Dhac Laba dhinac iyo Xaalada oo Faraha kasii Baxda Waxaanuna ugu Baaqaynaa Ciidamada iyo Laamaha Amaanka inay sida ugu dhaqsaha Badan Gacanta Ugu Soo Dhigaan”
Xildhibaan Cagayare Waxaa uu ku BAaqay una soo Jeediyay Qoyska uu ka soo jeedo Jaamac Jiir inay Sharciga Maraan isla markaana aanay Wax Talaabo ah Qaadin oo ay kaga jawaabayaan Falkaasi dhaawaca ah ee loo Gaystay Wiilkooda waxaana uu yidhi.
” Waxaan Leeyahay Qoyska uu kasoo Jeedo Jaamac Jiir Inay Sharciyada Ka Maraan Arinkaasi oo aanay Dhibaato Kaga Jawaabin,waayo anigu Labada Dhinacba Xildhibaan ayaan u Ahay waxaanan ka digayaa in Dhibaato kale ay Dhacdo Balse Maaha In Dadkii Soo Weeraray Jaamac Jiir ay Suuqa Joogaan oo aan Sharciga La Marin,Waxaana wax lala yaabo ah In Lagu Dilo Aqoonyahanka Wax baad Qortay oo fikirkaaga ayaad dhiibtay oo cid ayaad dhaliishay Waa Arin fool xun waayo Kuwa soo weerarayba Intaas been iyo Borobagaando ayay Qorayaan Cidina kuma qabsato”
Xildhibaan Ismaaciil Cagayare Oo aanu waydiinay waxa ka jira warar sheegaya in ay heshiiyeen labada dhinac ee ay kasoo kala jeedaan Aqoonyahan Jaamac Jiir iyo Kooxdii Soo Weerartay Waxaa uu Yidhi
“Wax Heshiis ah oo dhacay ma jiro waana wararka beenta ah ee ay Qorayaan Qoladaas Dhibka u Gayasatay Aqoonyahan Jaamac Jiir Waayo Waxaa laga heshiiyaa Marka dhibanaha loo soo xidho kii dhibta u gaystay oo laga wada xaajoodaa Balse iyadoo uu Muniir Suuqa Marayo Heshiis ayaa la gaadhayaa Waa Been iyo War aan sal Lahayn oo aan la aqbali Karin “
Ugu Danbayn Waxaa uu Xildhibaanku Alle Uga Baryay inuu Caafiyo Jaamac Jiir isla Markaana uu ka Kiciyo Dhaawaca Arxandarada ah ee Ay u Gaysteen Kooxdaasi Muniir Hogaaminayay.
HargeisaPress News Desk — Hargeysa
Follow us on Instagram: @Hargeisapress
Follow us on Twitter: @HargeisaP