Xil. Xuseen Carab Ciise Oo Farmaajo Ku Dhaliilay Ficiladda Ka Dhanka ah Somaliland

0
1313

Muqdisho (Hargeisa Press.com): Waxaa is soo taraya dhaliilaha ay ka muuinayaan sida ay uga biyo-diidsan yihiin siyaasiyiin u dhashay Somaliland ee ku sugan Soomaaliya go’aamo iyo tallaabooyin kala danbeeyay oo dawladda Muqdisho kual kacday Somaliland.

Waxaana jirtay in siyaasiyiin iyo xildhibaan ka tirsan baarlamaanka iyo masuuliyiin kale oo ka soo jeedda Somaliland ay canbaareeyeen dhacdooyinkii ka dhanka ahaa Somaliland ee xukuumadda Farmaajo qaaday.

Kuwaasoo maalmahanba siyaabo kala duwan uga adlay guddigii uu wadahadaladda Somaliland iyo Soomaaliya u magacaabay Farmaajo, amarkii uu ku joojiyay in aan xoolaha Somaliland Berbera laga dhoofin Karin ilaa ay ogolaanshiyo ka soo qaataan Muqdisho iyo arrimo ka horeeyay kuwaasi.

Hadaba waxaa mar kale arrintaasi maanta ka hadlay oo Muqdisho shir jaraa’id ku qabtay oo arrimahaas ka hadlay xildhibaano ka tirsan aqalka sare iyo golaha shacabka Soomaaliya oo dhalasho ahaan ka soo jeedda Somaliland.

Xildhibaan Xuseen Carab Ciise, oo ka tirsan golaha shacabka Soomaaliya hore-na u soo qabtay xilka wasiirka gaashaandhiga oo ay wehelinayeen xildhibaan Mustafe Qodax oo isna ka tirsan aqalka sare iyo xildhibaano kale ayaa cadeeyay sida ay uga xun yihiin dhacdooyinkaasi kala danbeeyay.

Halkan Hoose Ka Daawo Shirka Jaraa’id Ee Xildhibaan Xuseen Carab Ciise:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here