“Xasan Sheekh ma Diidana In Itoobiya Bad Hesho, Laakiinse Wuxuu ka soo Hor Jeedaa Horumarka Somaliland”

0
130
Wasiir Kaahin oo Lagu Eedeeyay Sharci Jebin

Hargeysa (HargeisaPress)- Xukuumada Jamhuuriyaddas Somaliland ayaa sheegtay in heshiiska Somaliland iyo Itoobiya uu buuq badan ka abuuray mandaqada gobolka iyo tan caalamka ba, isla markaana uu ka cadhaysiiyay dawlada Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha Guddaha Jamhuuriyadda Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, oo ka hadlayay meel kulmisay dhallinyaro badan, ayaa sheegay in heshiiska dhex maray Somaliland iyo Itoobiya uu buuq badan dhaliyay, kaasi oo maanta aad looga hadal hayo guud ahaa dunida inteeda badan.

Waxaanu yidhi.”Heshiiskii madaxweynuhu uu lasoo sameeyay Itoobiya, buuq fara badan iyo dareen fara badan ayuu ka dhaliyay adduunyada oo dhan, dowladii Soomaaliyana waxay ku noqotay waali, maskaxda kala goysa”.

Waxa uu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu markii hore dadka ku kiciyay in la badbaadinayo bad Soomaaliyeed, lakiin markii dambe uu Muuq baahiyaha Aljazeera u sheegay in aanu diidanayn in Itoobiya bad hesho lakiin uu rabo uun in ay dowlada Soomaaliya ay soo maraan.

Wasiir Kaahin ayaa hadalada is dhaafka ah ee Madaxwaynaha Soomaaliya ku sifeeyay kaliya in damaca Soomaaliya uu yahay in iyaga la soo maro, balse aanay marnaba taasi suurtagal ahayn.

Waxaanu yidhi.”Waxa uu TVga Aljazeera usheegay in aanu diidanayn in Itoobiya hesho marin biyood, lakiin ay diidanyihiin dariiqa ay Itoobiya u martay raadinta badda”.

Gebo’gabadii Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa sheegay in dadkii ugu mudnaa dunidu ay aad u qaadaa dhigayaan heshiiskan Taariikhiga ah ee dhex maray Somaliland iyo Itoobiya, kuwaasi oo isugu jira Xidhibaano, Wasiiro iyo Tujaarta dunida qaar ka mid ah, kuwaasi oo ka soo jeeda dalal ugu saamaynta badan caalamka.

Dawan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here