Xamse Khayre Oo Xukuumadda Ku Dhaliilay Wax Ka Qabasho La’aanta Sicir-bararka

0
460

Hargaysa (Hargeisa Press): Xoghayaha ganacsiga iyo dhaqaalaha ee xisbiga WADDANI Xamse C/raxmaan Khayre, ayaa dhaliilo culus u jeediyay xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi.
Waxaanu xoghaye Xamse, xukuumadda ku eedeeyay in ay ku fashilantay in ay wax ka qabato dhibaatadda sicir-bararka maciishadda oo si weyn u saameeyay bulshadda reer Somaliland.
Siyaasi Xamse Khayre, oo maanta warbaahinta kula hadlay magaaladda Hargaysa ayaa ku eedeeyay wasiirka ganacsiga Somaliland in aanu wax masuuliyad ah iska saarin sidii wax looga qaban lahaa dhibaatadda sicir-bararka maciishadda.

DAAWO: Xamse Khayre Oo Arrimahaasi Ka Hadlaya:


Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY