Xafladdii daahfurka buugga WARJIRE Xog iyo Xusuusqor Uu qoray Weriye Axmed Siciid Cige

0
810

Hargeysa,(HargeisaPress)-Waxaa magaalada Hargeysa xalay lagu qabtay xaflad aad u heersarraysa oo rugcaddaaga saxaafadda, weriyihii hore ee BBC-da Axmed Saciid Cige uu ku soo bandhigay buug uu u bixiyay Warjire.

Buuggan ayaa uu khabiirkaasi kaga hadlayaa waxyaabihii uu soo joogay amaba uu soo tabiyay iyo weliba xasuus qorkiisii muddadii ku dhawaad dhawr iyo afartanka sano aheyd ee uu ku dhex jiray warbaahinta Soomaalida.

Qaar ka mida dadka buugga soo akhriyey oo uu ka mid yahay Cabdikariin Axmed Xinif oo sheegay waxyaabaha buuggani kaga duwan yahay buugaagta kale ayaa yidhi: “Axmed buugga waxa uu ka qoray wixii uu isagu goob joog ka ahaa, Axmed ma uu fasirin oo aragtidiisa kuma uu darin dhacdooyinka uu soo tebinayo, laakiin dadka ayuu u deynayaa inay aragtidooda ku cabbirtaan” sidoo kale waxa uu sheegay in buuggani saxayo taariikho badan oo dhallinyarta danbe si khaldan u haysato.

Dadka buuggan akhriyey ee BBC-da la hadlay sidoo kale waxaa ka mid ah Cabdi Maxamed Xasan Buunni ayaa isna sheegay: “Waxa isoo jiitey in buuggan ay ku jiraan dhacdooyin farabadan oo ay tahay in dadka dib loo xasuusiyo, kuwaas pp xiiso gelin lahaa waxaana ka mid ah, in uu u soo joogay Somaliland gudaheeda intaas oo doorasho madaxweyne, oo ay ka mid ahaayeen Madaxweyne Cigaal, Daahir Rayaale, Siilaanyo iyo Muuse Biixi, isagoona soo tebiyey dhacdooyin farxad iyo murugo lahaaba”

Axmed Siciid Cige, ayaa isna laftiisu sheegay in buuggan ujeedka uu ka lahaa ay tahay in aanu taariikhda la dhiman oo uu ugu talogalay inay ka faa’idaystaan dadka Soomaaliyeed.

Axmed ayaa sidoo kale sheegay, sababta uu magaca Warjire ugu xushay buuggiisu ay tahay, maadaama uu geel jire ahaa berigiisii hore oo xilliyadii ka danbaysana war jire ahaa, oo tebin jirey la socon jirey wararka.

Axmed waxa uu si rasmi ah ugu biiray laanta afka Soomaaliga ee idaacadda BBC 15 Janaayo, 1999. Waxaana uu la kowsaday xilli siyaasadda Soomaalidu ay meel xun mareysay oo la waday qabanqaabadii shirkii dowladda KMG-ka ee Carta.

Somaliland oo uu uga soo warramo BBC ayaa madaxweynaheedii xilligaas, Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, iyo baarlamaanka iyo guurtiduba ay go’aamiyeen in qofkii Somaliland u dhashay ee ka qayb gala shirka Carta ee dib u heshiisiinta Soomaaliya uu galay khiyaano qaran.

Diyaarad ay saaran yihiin mudanayaal ka tirsanaa baarlamaanka Jabuuti iyo odayaal kale ayaa ka soo degtay garoonka Hargeysa sanadkii 2000, iyagoo rabay inay ku qanciyaan Somaliland in shirka Carta ay timaado, laakiin waxaa madaxweyne Cigaal uu amar ku bixiyay in aanay dhulka u soo degi karin ee ay dib ugu noqdaan Jabuuti. Axmed Waxa uu ugu dhex tegay garoonka si uu u helo xaqiiqada oo BBC ugu tebiyo. Wararkaas iyo kuwo kale oo waaweyn ayuu muddadaa labaatanka sano ahayd Axmed u soo tebiyey BBC.

BBC

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here