Weli Somaliland may soo marin Xukuumad tan oo kale ah oo Daani leh, Diir leh, Degel meer leh, Dabo-kanuug leh oo hadana wada Dilaaliin ah qalinkii A/rahman fidhinle

0
1058

maqaalMarkii muwaadiniinta Somaliland ay doorashada u-dareereen ee ay codkooda iyo dareenkooda ku doorteen Madaxweynaha Somaliland Mudane Ahmed Mohamoud Siilaanyo, Waxay rajadoodu aheyd in ay isbedel la taaban karo dareemaan oo ku doogsadaan , Waxaana ay Xukuumada kulmiye looga fadhiyey in guud ahaan shacabka somaliland ay isku duubto oo mideyso oo ku hagto waayo aragnimo iyo ilbaxnimo siyaasadeed iyo hab dhaqan maamul oo dimuqraadi ah  iyada oo la kaa shaneysa dhaxalkii awoowyaasheen oo ahaa wada tashi, cadaalad, sinaan ,xaq-soor , talo- wadaag, is-qancin iyo isu-tanaasul iyada oo mar walba mudnaanta koowaad  la siinaayo Danta Guud iyo Daryeelka Qaranimada Somaliland.

 

Nasiibdaro waxaa Xukuumadii Kulmiye ee loo hanweynaa ay noqotey Xukuumad aan laheyn curin iyo hal abuur siyaasadeed oo aan marna la qabsan karin waqtiga iyo waayaha siyaasadeed ee isbed-bedelaaya ee gudaha dalka iyo mandaqadaba ka jira, waxa ay noqotey Xukuumad aan u-sahan tegi karin oo aan doojin  karin qaranka yar ee saqiirey ee Somaliland.May noqon Xukuumad ummadii soo dooratey ee diratey wada deeqda oo udhex ah oo la mahadiyo, may noqon Xukuumad ku dhisan sinaan iyo cadaalad, Ma noqon Xukuumad Shacabka Somaliland ka dhigta ul iyo diirkeed hal-qoys oo wax-walba wadaaga sida ilaha dhaqaalaha, kheyraadka dalka mansabka maganta, moorada iyo muqunada.

 

– Waxay xididada u-siibtey Xukuumadii  Arkaantii Somaliland ku taagneyd oo ay ugu horeyso talo wadaagii, xalibnaantii iyo xaq-dhawrkii.

– Waxay sii gudhisey oo hoos udhigtey rajadii iyo kalsoonidii hankii shacabka JSL.Waxa ay caad iyo ciiro qarsoon saartey ictiraaf raadintii.

– Waxaana ay  gol-jilicda ka wareentey oo huryada udhaawacdey si ay udhuuqdo ictiraafkii JSL ku taameysey mudada dheer ee  23-ka sanadood.

 

– Waxaa taa ka sii daran hanyaraanta, hadaaqa iyo halaan halka  hawl-wadeenadeeda iyo masuuliyiinteeda oo iyagu ku ganacsada mansabka kuna ugaadhsada kuna qanacsan mar walba waxoogaaga yar ee faraha guudkooda ah ee quudhsiga ah ee ay ka helayaan mashaariicda ay maamulaan.  Waxaa laga dhawaajiyey in mashaariicda ay deeq- bixiyayaashu ay ku bixiyaan in lagu horemariyo arimaha bulshada sida Biyaha, Waxbarashada, Caafimaadka , Airporada iyo Degaanka aaney si waafiya ugaadhin goobihii loogu talo galey iyo shacabkii dan yarta ahaa taas la isku raacey in marka horeba ay Cantuugaan Masuuliyiinta Xukuumada iyo Madaxda hayadaha deeq-bixiyayaasha ka socda kadibna qandaraaslihii oo isna qaraabo kiil iyo jini boqornimo ku yimaada ayaa iyaguna sii garoocada markaa maxaa danyartii iyo dalkiiba uhadhaaya ? waa wax aan sakaaro ka biirsan.Waxay aheyd  in ay aqoonta iyo caqliga shacabka dhisaan laakiin nasiib daro waxaa xaalkoodii uu noqdey in ay iyagu dibiraan oo calooshooda dhisaan shacabkana dul-daac-daacaan oo xiqdi,xan-sha-shaq ,naxli huursan iyo qabyaalad kala dhexdhigaan.

 

Waxaa laga filaayey in golihiisa wasiiradu ay wadanka uwada noqdaan Hu,Hoy,Hayin,Hawlqabad iyo Hormood, Waxaa laga filanaayey in ay noqdaan gole aqoon uleh mansabkooda, maamul-wanaaga, macnaha qaranimo iyo milgaha dawladnimo, waxaa la filanaayey gole shacabka unoqda Dar,Yeel iyo Weel waraabiya oo ummadda wax ku soo kordhiya, Waxaa laga filaayey gole noqda Mideeye-yaal, Jideeye-yaa iyo Jiheeye-yaal shacabka Somaliland gunta ka tola oo tubta usaara toobiyaha toosan. Laakiin waxay noqdeen nasiib daro, duul qaran dumis ah oo qabyaalad ku naax ah oo naca , naceyb iyo naxli huursani ragaadiyey. Waxay noqdeen duul isu dhibi lista oo qaldhabaaya oo qawdhmaaya oo ban ka qooq ah oo iyagu  luqun-jibaadh,laacdan, laab-lakac iyo labac kaw iskaga siiyey.

 

Guntii iyo geba-gebadii qormadan Weli Somaliland may soo marin Xukuumad tan oo kale ah oo Daani leh, Diir leh,Degel meer leh, Dabo-ka nuug leh oo doc-ka yeedh leh oo jini boqor leh  kuwaas oo hadana Dilaaliin  wada ah oo la kharash ah ilaa iyo 7-da  Wasaaradood ee wadanka ugu muhiimsan ,Taas oo iyadu isu qoondeysey oo iska fuudh-yeeshay ilaa iyo  1/4  hantidii iyo Misaaniyadii  Qaranka ee ummadda baahan lagu bad-baadin lahaa ee wax loogu qaban la-haa. Waana iyaga iyo Allahood!!

 

 

Alleh ayaa Mahada iyo Mudnaanba leh,

Wa-Laahum-Aclam-Waa bilaahi Tow-fiiq

Waa Qalinkii : A/Rahman Fidhinle

Intensive Education ED PDA

United Kingdon

London

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here