Weftigii Xukuumadda Somaliland oo Booqday Suuqii Jigjiga Ee Gubtay

0
1125

Jigjiga (Hargeisa Press)- Weftigii ka socda xukuumadda Somaliland ee uu hoggaaminayay Wasiirka wasaaradda Warfaafinta Somaliland, Saleebaan Yuusuf Cali Koore ee ay ka mid ahaayeen wasiirka  Isgaadhsiinta, Wasiirka Qorshaynta iyo duqa caasimada Hargeysa, ayaa kormeer indho indhayn ah ku tagay suuqii xalay gubtay ee magaalada Jigjiga.

Kormeerka weftiga Xukuumadda Somaliland, ayaa waxaa ku wehelinayay Wasiirka Xafiiska Dakhliga Dowlad Deegaanka Soomaalida iyo Wasiir ku xigeenka Xafiiska Maaliyadda DDS iyo masuuliyiin kale.

Masuuliyiinta, ayaa si wadajir ah dareenkooda uga muujiyay musiibada ka dhacday suuqii waynaa ee magaalada Jigjiga, kaasi oo gabi’ahaanba basbeelay.

Geesta kale waftiga ka socday xukuumadda Somaliland, ayaa sheegay in ay aad uga xunyihiin dhibaatada dhacday, waxaanay xuseen in ay si buuxda u garab taagan yihiin dadka ku caydhoobay masiibadan.

Socdaalka masuuliyiintan Somaliland, ayaa salka ku hayay sidii ay muragada ula qaybsan lahaayeen, garab istaagna ugu muujin lahaayeen bulshada ku hanti waayay masiibadii baabi’isay suuqii weyna ee Taywaan ee magaalada Jigjiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here