Shirkadda Dahabshiil oo Lacag Ugu Deeqday Dadkii Hantidu Kaga-Burburtay Suuqa Jigjiga

0
1489
Shirkadda Dahabshiil

Jigjiga (Hargeisa Press)- Shirkadda Dahabshiil Group, ayaa waxaa ay lacag ugu deeqday Ganacsatadii ku waxyeeloobay musiibaddii dabkii ka kacay Suuqa Taywan ee magaaladda Jigjiga ee xarunta dowlad deegaanka Soomaalida.

Maamulaha guud ee shirkadda Dahabshiil Group Cabdirashiid Maxamed Dahabshiil oo la kulmay Madaxwaynaha DDS, ayaa sheegay in ay ugu deeqayaan lacag dhan 20 milyan oo birr dadkii ay hantidu kaga burburtay suuqii Taywaanka ee magaalada Jigjiga.

Sidoo kale, Maamulaha Shirkadda Dahabshiil, ayaa waxaa uu sidoo kale sheegay in khidmad la’aan ay ka dhigeen Lacagaha tabarucaadka ah ee bulshaddu u soo dirayaan Gudidda Gurmadka Suuqa Taywan ee magaalada Jigjiga.

Maamulaha Shirkadda Dahabshiil Group Cabdirashiid Maxamed Dahabshiil, waxaa uu sidoo kale baaq u diray dadka Soomaalida, isagoona ugu baaqay in dadkii dhibaatadu ka soo gaadhay dabkii suuqa Jigjiga ay Lacagaha ugu soo shubaan Akoonada uu maamulka dowlad deegaanku sameeyay.

Si kastaba, Shirkadda Dahabshiil Group, ayaa waxaa ay ka mid tahay shirkadaha waa weyn ee safka hore kaga jira garab istaagga bulshada mar kasta oo ay dhibaato dhacdo.

Hoos ka daawo muuqaalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here